4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2016
Hoggaamiyihii Ciidamada Jabhada LRA ee Dalka Uganda Dominic Ongwen oo ICC la Horgeynayo


Khamiis, Janaayo 21, 2016 (HOL) — Taliyihii Jabhada Uganda ee LRA, Dominic Ongwen ayaa la filayaa in maanta la horgeeyo maxkamada dambiyada ee ICC ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Ongwen ayaa loo haystaa 67 dambi oo ka dhan ah Aadanaha iyo dambiyo dagaal oo lala xiriirinayo afar weerar oo lagu qaaday xeryo ay deeganaayeen dadweyne barakacayaal ah oo ku noolaa waqooyiga dalka Uganda sanadihii 2002 iyo 2005.

Sidoo kale, Dominic Ongwen ayaa noqonaya ruuxii ugu horreeyay oo xubin ka ah Jabhada LRA oo la horkeeno maxkamad. Hoggaamiyaha guud ee kooxdaas, Joseph Koni ayaa ka mid ah dadka ay Maxakamadda ICC baadi-goobayso.

Waaxda dacwad-oogista ayaa sheegtay in Ciidamadii Ongwen, ay ka ahaayeen dilka kala duwan oo loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, gubidda guryahooda iyo bililiqeysiga alaabtooda.

Dhanka kale, mid ka mid ah dhibbanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay inay ciidamadii Dominic Ongwen ay wiil ay aayo u ahayd boorso ku xireen ayna ku dul-is-taageen illaa uu ka dhinto. Waxaa kaloo, Ongwen lagu eedeynayaa inuu af-duubtay gabdho iskuuleey ah oo da’doodu ka yarayd 15-sano, si ay kooxdiisa ugu dagaallamaan.

Xeer-ilaaliyayaasha maxkamada ICC ayaa fursad u haysta 60 maalmood ee soo socda inay go’aan kasoo saaraan, dacwadaha loo haysto hogaaminayan LRA ka tirsanaa iyo in la helo caddeymo ku filan.

Ugu dambeyn, waxaa laga cabsi-qabaa in Jabhadda LRA ay dishay in ka badan 100,000 oo qof, ayna afduubatay 60 kun oo caruur ah intii uu socday dagaalkii dhiigga badan uu ku daatay ee tobannaanka sano soo jiitamayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya