4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
Al-shabaab oo Maanta soo bandhigtay Sawirrada Askartii Kenya ee lagu dilay Weerarkii Ceel-cade


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa Maanta Warbaahinta taageerta kusoo bandhigtay SAWIRRO muujinaya weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay ku dileen Weerarkaas in ka badan 100-askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, ayna Gacanta ku dhigeen 12 askari oo nool. Inkastoo aysan weli dowladda Kenya sheegin tirada ciidamadii looga dilay weerarkaas.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaan sawirradan kusoo bandhigin ciidanka Kenya ee ay sheegtay inay gacanta ku hayaan, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu xumaa oo ay ciidamada Kenya ku qaaddoAl-shabaab tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shalay uu ku hanjabay in Ciidanka Kenya ay ka Aar-gudan doonaan Al-shabaab, kaddib Weerarka Jimcihii ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde.

Ugu dambeyn, Weerarkii saldhigga ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ay ku qaadeen Todobaadkii hore ayaa doodo kulul ka dhex-dhaliyay shacabka Kenya, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Kenya ay xukuumadda weydiisteen in sharraxaad ka bixiso sidii uu Weerarku ku dhacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya