4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
DAAWO: Ganacsade C/raxmaan Kaahin oo Xalay Casho-sharaf loogu sameeyay MN (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Rugta Ganacsiga Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa xaflad casho-sharaf ahayd xalay u sameeyay Ganacsade C/raxmaan Ciise Kaahin oo Horraantii bishaan Jannaayo nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dadkii lagu marti-qaaday khudbadii sanadlaha ahayd ee madaxwaynaha Mareykanka Barack Obama uu ka jeediyay Aqalka Congress-ka Maraykanka.

Xafladdan cashada ahayd ayaa lagu qabtay xarunta Shirarka iyo Xafladaha ee Safari oo ku taalla xarunta gobolka Minnesota ee Minneapolis, iyadoo ay ka qayb-galay bulsho-weynta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda dalalka Jabuuti iyo Somalia ee ku dhaqan Minnesota.

Haddaba, Casho-sharaftaan loo Sameeyay Ganacsade Kaahin ayaa laga jeediyay khudbado kooban oo lagu muujiyay sida ay Bulshada Soomaaliyeed ugu Faraxsan yihiin Aqoonsiga, horumarka, dadaalka iyo casuumada lagu marti-qaaday C/raxmaan Kaahin ee Aqalka Cad iyo ka qayb-galay khudbadii sanadlaha ahayd ee Madaxwayne Obama uu Congress-ka ka jeediyay.

Mas’uuliyiinta xafladda ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaida ee Minnesota, Maxamuud C/raxmaan Beenebeene; isagoo uga mahad-celiyay marti-sharafta sida ay uga soo jawaabeen marti-qaadkii ay u fidiyeen, wuxuuna ka hadlay ujeeddada loo sameeyay cashada iyo ahmiyada ay u leedahay shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota degggen; taasoo noqonaysa mid bedesha Sawirkii foosha xumaa ee mar walba Warbaahintu nagu tusto shacabka kale, ganacsade Kaahin wuxuu noo soo hoyay guul aan ku faani karno iyo in qof naga mid ah uu metelo wanaagga Gobolka Minnesota oo dhan.

DAAWO: Casho-sharaftii Xalay loo sameeyay Ganacsade C/raxmaan Ciise Kaahin;

Sidoo kale, Faysal Mukhtaar oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda reer Jabuuti ee Minnisota ku nool oo hadal kooban goobta ka jeediyay xafladda ayaa xusay inay farxad weyn u tahay Jaaliyadda reer Jabuuti iyo dhammaan Soomaalidaba in ganacsade C/raxmaan Kaahin loo aqoonsado wanaagga iyo wax-tarka uu kusoo kordhiyay bulshada & in gobolka Minnesota lagu abaal-mariyo. Faysal ayaa sheegay inuu C/raxmaan ahaa nin aad u dadaal badan illaa yaraantiisii.

Maxamed Shiine oo isna goobta ka hadlay oo sharraxaad ka bixiyay taariikhda ganacsade C/raxmaan Kaahin. Wuxuu sheegay in Kaahin dadku ay ku yaqaannaan Qaybta ganacsiga iyo deeqsi-nimadiisa oo kaliya; balse uu takhasus u leeyahay xirfado badan oo kala duwan. Wuxuuna intaas ku daray in C/raxmaan Kaahin uu yahay qof ku taqasusay Sawir-qaadista, sidoo kalena uu yahay macalinkii u horreeyay ee tababara ama koox u sameeyay gabdhaha Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti.

Waxaa iyana hadashay Amino Deeble oo ka mid ah ganacsatada Minnesota; isla markaana xubina ka ah Rugta Ganacsiga Somalia iyadoo ka mahad-celisay sida quruxda badan ee ay xaflada u soo agaasimeen maamulka Rugta Ganacsiga ee Soomaalida Minnesota, waxayna intaas ku dartay Amino in ganacsade C/raxmaan Kaahin uu mutaystay casho-sharaftan iyo mahad-celintan, waxayna tiri, “Walaalkeen waa shaqsi leh dadnimo iyo gadaf-dheer, loona baahan yahay in lagu daydo.”

Ugu dambeyn, Waxaa xafladda ka hadlay Ganacsade C/raxmaan Ciise Kaahin oo u mahad-celiyay intii soo agaasimay hawshan; waxuuna ka hadlay in loo baahan yahay in Jaaliyadu gacmaha is-qabsato, lana horumariyo guud ahaan ganacsiga bulshadeena, isagoo u mahad-celiyey Haweenka ganacsatada ah oo ku Tilmaamay kuwa tusay dadka inaan nahay ummad ganacsiga hindisi kara; Wuxuuna Carrabka ku dhuftay Haweenka ka Ganacsada Dharka ee Dukaamada ku leh Suuqyada Karmel iyo Mall 24 oo labaduba ku yaalla Minneapolis.

Siyad Said iyo C/raxmaan Muqtaar
Minneapolis, Gobolka Minnesota