4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
Dufcaddii 11-aad oo Arday ah oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Waxaa maanta ka Qalin-jabiyay Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho dufcaddii 11-aad oo arday ah, iyadoo ardaydan oo tiradoodu ahayd 432-arday loogu qabtay Muqisho xaflad qalin-jabin ah, taasoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Jaamacada, Waaliddiin, Wakiillo ka socday qaar ka mid ah Jaamacadaha Maleysia iyo marti-sharaf kale.

Boqolaalkan ardayda ah ayaa ka qalin-jabiyay lix takhasus oo kala ah; culuunta maamulka, culuunta bulshada, dhaqaalaha iyo kambuyuutarka, iyagoo ka mid noqonayaan kumannaan arday ah oo horay uga qalin-jabiyay Jaamacaddan.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horreyn ardayda qalin-jabiyay u hambalyeeyay, isagoo soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ka soo qayb-galay xafladda oo ay ka mid ahaayeen; guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda, Dr. C/raxmaan Saalax [Muhaylaan] Shiikh Maxamed Al-Khamiis, Agaasimaha Qaybta Direct-Aid, Sheekh Xasan Badawi iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga sare ee Jaamacadda SIMAD, Sh. Maxamed Al-Khamiis ayaa tilmaamay in sare u qaadidda waxbarashada Somalia ay aasaas u tahay in lasoo saaro Aqoon-yahan xirfad leh oo ka Qayb-qaadan kara dib-u-dhiska Dalka, isagoo u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay.

“Alle ayaa aragtidii lagu aasaasay jaamacada na waafajiyay, waxay ku billaabatay machad yar, wayna kobacday illaa heer jaamacadeed ay noqotay sannadkii 2011-kii, maanta waxaa arkaynaa jaamiciyiin saameyn ku leh hay’adaha dowliga ah, kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa kheyriga ah,” ayuu yiri Sheekh Al-Khamiis.

Dr. C/raxmaan Saalax Al-Muhaylaan, guddomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda ayaa isna tilmaamay in Soomaaliya iyo dadkeeda ay guul u weyn tahay in la helo Dad wax-bartay oo dalkooda samata-bixin kara.

“Waxaad tihiin mustaqbalka dalka iyo rajada kaliya ee dib u dhiska Soomaaliya, waan ku faanaynaa inaan helno aqoon-yahanno idinka oo kale ah, waxaana idiin baahan kuwa idin-la mid-ka ah ee aan waxba awoodin,” ayuu yiri Dr. Saalax.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in 30 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika ay ka wadaan mashaariic waxbarasho, iyadoo Jaamacadda SIMAD ay ka mid tahay hay’adaha ugu horu-marsan mashaariicdaas.

“Waxaan ku faraxsan-nahay inaan maamulno oo aan soo saarno bulsho idin-ka oo kale ah, waxaana ka howl-galnaa in ka badan 30 waddan oo Qaaradda Afrika ku yaalla, hadafkeenu nuna waa inaan caawinno dadka baahan, gaar ahaan Tayaynta waxbarashada. Jaamacadda SIMAD, waxayna ku jirtaa hay’adaha ugu horreeya ee ku jira dhammaan mashaariicda aan fulinno,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, gabi ahaan ardayda maanta qalin-jabinayay ayaa masraxa yimid, iyagoo si guud u gacan-qaaday Guddoomiyaha Guddiga sare ee Jaamacadda, Waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay Shahaadooyinkooda. Iyadoo ay Jaamacadda SIMAD ka qalin-jabiyeen in ka badan 4,000 oo arday, kuwaasoo Shahaadada Heerka Koowaad ka qaatay 16-kii sano ee ay Jaamacaddu shaqeynaysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya