4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
Kooxo hubeysan oo Maanta Weeraray Jaamacad ku Taalla Pakistan iyagoo dilay 25-qof (DAAWO)


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Weerar iyo Qarax lagu Qaaday Maanta Jaamacad ku taalla Woqooyi-galbeed dalka Pakistan ayaa lagu dilay in ka badan 25-qof, iyadoo 50-ruux in ka bandanna lagu dhaawacay, sida ay sheegeen ilo-wareeydo caafimaad iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Pakistan.

Jaamacadda Bacha Khan oo ku taalla magaalada Charsadda ayaa waxaa saaka aroortii hore weeraray kooxo hubeysan oo tiradoodu ay gaarayso illaa 12 qof, kuwaasoo ku furay rasaas ardayda iyo macallimiintii Jaamacaddaas ku sugnaa.

Taliye ku xigeenka ciidanka dambi-baaraha booliiska gobolka Khyber Pakhtunkhaw oo ay jaamacadu ku taallo, Saeed Wazir Khan ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen kooxda saakay weerartay jaamacdda ugu yaraan laba qof oo is-miidaamiyay.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay kooxda Daalibaan ee dalka Pakistan, Mohammad Khorasani ayaa sheegay in kooxdiisa aysan wax lug ah ku lahayn weerarka lagu Qaaday Jaamacadda, isagoo sheegay in goobaha aan millatarig deggenayn aysan liiska ugu jirin inay weeraraan.

“Weerarka maanta lagu qaaday Jaamacadda Bacha Khan waa mid shareecada Islaamka ka soo horjeeda,” ayuu Mohammad Khorasani ku yiri War-saxaafadeed uu Arbacada maanta ah soo saaray.

DAAWO: Weerarkii Maanta lagu qaaday Jaamacada Bacha Khan ee dalka Pakistan;

Asim Bajwa oo ah Afhayeenka millateriga Dalka Pakistan ayaa isaguna wuxuu sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah u Tababbaran ay dileen Afar ka mid ah dableydii weerarka ka dambeeyay, ayna ciidamadu dhismaha Jaamacadda si tartiib-tartiib ah u sii galayaan.

Dhanka kale, afhayeenka gobolka Khyber Pakhtunkhaw, Mushtaq Yousufzai oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markiiba ay jaamacadda tageen uuna filayo in 25-qof illaa 30-qof oo intooda badan ahaa ardaydii Jaamacada ay Weerarkaas ku geeriyoodeen. Wuxuuna intaas ku daray in qiyaastii 50 qof oo dhaawacmay loo qaaday isbitaallada si loo daweeyo.

Kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta Dalka Pakistan ayaa waxay bishii December ee 2014-kii weerar noocan oo kale ah ku qaadeen Iskuul waxbarasho oo u yaalla deegaan 50-km ka baxsan gobolka Peshawar, halkaasoo ay ku dileen 150-ruux oo intooda badan ahaa carruur iskuulkaas wax ku baranayay.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif oo booqasho ku maraya magaalada Zurich ayaa Cambaareeyay Weerarkaan; isagoo ku tilmaamay Weerar fulaynimo ah, wuxuuna xusay in uu si qoto-dheer uga naxay weerarkan murugada leh.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Bacha Khan ee gobolka Khyber Pakhtunkhaw ee maanta lagu qaaday weerarka khasaaraha badan dhaliyay, ayaa waxay hoy u tahay in ka badan 3,000 oo ardayda Jaamacadda dhigta ah. Welina ma jirto koox sheegatay mas’uuliyada weerarkaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya