4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
Soomaali lagu eedeeyay inay si sharci-daro ah ku Galeen Dalka Kenya oo la soo Taagay Maxkamad


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Maxkamad ku taalla Degmada Gaarisa ee Kenya ayaa waxaa maanta lasoo taagay 11-qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay Kenya ku galeen si sharci-darro ah.

Garsooraha maxkamadda, Margaret Wachira ayaa sheegtay in dadka noo isugu jira sagaal rag ah iyo laba dumar ah ay Kenya kusoo galeen sifo sharci-darro ah; sidaas awgeedna loo oo taagay maxkamad.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay ciidamada ka hor-tagga Argagaxisada Kenya ay kasoo qabteen deegaanka Qabobey oo Degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ka tirsan, xilli ay wateen baabuur ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ugu galaan Kenya.

Darawalkii gaariga ayaa la sheegay inuu baxsaday, iyadoo xeer-ilaaliyuhu uu maxkamadda u sheegay inay dadkan kasoo ambabaxeen deegaanka Libooyo ayna ku socdeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya; iyagoo doonayay inay sii maraan magaalada Gaarisa.

Muwaadiniintan 11-ka ruux ah oo su’aalo la weydiiyay ayaa sheegay inay doonayeen inay tagaan Magaalada Nairobi oo ay Qorsheynayeen inay isku diiwaan-geliyaan Qoxootinimo.

Sidoo kale, Dadkaan ayaa la sheegay in laga soo qabtay deegaan 90-km u jira Dhadhaab oo ah halka ay ku yaallaan xeryaha qoxootiga dalka Kenya oo ah halka ay dadka magan-galyo doonka ah ee Kenya soo gala iska diiwaan-geliyaan.

Waxay eedeeysanayaashu intaa ku dareen in mid kasta oo ka mid ah laga Qaatay 40,000 oo Shillinka Kenyan ah si qaab dhuumaaleysi ah loogu magaalada Nairobi oo ay ku socdeen.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay inuu bixiyo mid walba oo ka mid ah 50,000 oo Shillinka Kenya ah ama lagu xumayo min lix bilood oo xabsi ah, ka hor intaan dib loogu musaafurin Soomaaliya.

Dhanka kale, horraantii bishan Jannaayo ayay ahayd markii ciidamada booliiska Kenya ay deegaanka Embu ku qabteen 27-qof oo Itoobiyaan ah oo ku safrayay saddex gaari, si ay u galaan Nairobi ayna ugu sii gudbaan dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha Deegaanka Embu ee Dalka Kenya, Karisa Roba ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay qabteen Itoobiyaankan iyagoo ku safarayay gaadiid ku socday xawaare sare oo marayay wadada isku xirta deegaanada Meru iyo Embu.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay Xoogagga Al-shabaab weerar culus ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Kenya ee ka tirsan Howl-galka AMISOM ee Somalia ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, Weerarkaas oo ay Al-shabaab sheegtay inay ku dileen 100-askari ka tirsan ciidamadii Kenyaanka ahaa ee saldhigga ku sugnaa, 12 kalena ay gacanta ku dhigeen iyagoo nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya