4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
Shirkii Jowhar oo la isku mari la'yahay & eed loo jeediyay Wasaarada Arrimaha Gudaha


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Shirkii Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Degmada Jowhar ka socday oo wali hakad ku jira, ayaa waqtigaan u muuqda mid galay marxaladdii ugu adkeyd, kaddib markii ay lasoo darseen caqabado saameyn adag ku yeeshay sii socoshada shirka.

Shirka oo markii horeba ay ku gacan-seyreen qaar ka mid ah beelaha labadaan gobol dega, ayaa dhanka kale warar soo baxaya waxay sheegayaan in ergadii ka qeyb-gashay xafladdii furitaankii shirka ee ka tagtay gobolka Hiiraan boorsooyinkoodii ka soo xir-xirteen, iyagoo ka hor-yimid liis ay wasaarada arrimaha gudaha & federaalku soo bandhigtay oo la xiriirta tirada odayaaasha soo xulaya ergada iyo sida ay beellaha u kala helleen.

Shaxda ama liiska ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayay ku Tilmaameen ergada ka soo jeedda gobolka Hiiraan mid ku takri fal awoodeed ku saleysan, waxaana ay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha & federaalka C/raxmaan Xuseen Odawaa shaqsiga caqabada ku ah sida ay hadalka u dhigeen sii socoshada shirka.

Maamulka Shabeellada Dhexe ayaa sidoo kale Dhankooda ku Gacan-seyray Liiska ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ku Tilmaameen inuu yahay mid iska hor keenaya beelaha deggen Gobollada ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee la doonayo in ay maamulka sameystaan.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sh/dhexe Abuukar Cali Maqaney oo Warbaahinta kula hadlay Jowhar ,ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay habka Wasaaradda Arrimaha gudaha ay u maamuleyso shirka, isagoo xusay in haddii ay arrimuhu sidan kusii socdaan horseedi doonto in beeluhu kala aamin baxaan uu ku burburo halkaas qorshaha dhismaha maamulka labada gobol.

Caqabada ugu weyn ayaa ku timid sida beelaha loogu qaybiyay tirada odayaasha soo xuli doona ergada oo la leeyahay ma noqon saami-qaybsi ku dhisan hab cadaalad ah, madaama Wasaarradda shaxda ay soo bandhigtay aan lagu saleyn siday beelaha deegaannada labada gobol ugu kala tiro badan yihiin.

Xildhibaan Amiin Daahir Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in fara-galin toos ah lagu hayo shirka, isagoo ka dalbaday dowladda Somalia in la isku gacan beeneeyo dadka maamulka sameysanaya si ay arrimahooda gudaha uga wadda hadllaan.

“Waa wax lala yaabo in maamul dhan dadkii sameysan lahaa loo diidan yahay in ay iyaga wadda-hadlaan oo ay isku gacan banaanaadaan, wasaarrada arrimaha gudaha & hay'addaha dowladda oo dhan doorkooda waa in uu ahaadaa oo kaliya mid farsamo, laakiin loo baahan yahay in talada iyo howsha socta loo daayo dadka maamulka sameysanaya'' ayuu Jeesoow yiri.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in maamul lagu dhisi karin wareegto dowladeed iyo ku takri fal awoodeed, isagoo xusay in shirka Jowhar uu ku sii socon karo oo kaliya in tallada lagu soo celiyo gacanta dadka maamulka sameysanaya.

Ugu danbeyn, lama oga sida dowladda federaalka Somalia u wajihi doonto caqabadahan is biirsaday ee shirka Jowhar la soo darsay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya