4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2016
Ciidammo Komaandoos-ta Somalia ka Tirsan oo Tababbar loogu soo Xiray Muqdisho [SAWIRRO]


Arbaco, Janaayo 20, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Muqdisho Tababbar ugu soo xiray dufcaddii saddexaad iyo qaybtii ugu horreysay ee ciidanka kumaandoosta Somalia ee sida gaarka ah u Tababaran oo Qalin-jabiyay.

Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana Maal-gelisa Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda uu dalkaas ku Taageerayo dib u dhiska Somalia.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda xirtaanka tababarka ayaa kula dar-daarmay dhallinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay kasoo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad kasoo dabaalida waddanka.

“Waxaan idin kugu hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen Tababarkaan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Somalia. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan cirib-tirka argagixisada Al-shabaab ee ku xiran Al-Qaacida. Dhammaanteenna si weyn ayaan ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen tababarkii aad halkan ku qaadateen. Waxaana ku kalsooni ku Qabnaa inaad si weyn uga soo bixi doontaan Waajibaadkiina,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida mar walba ay u taageerada hiilka iyo hoobada leh ula garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda.

Waxaa iyagana munaasabada hadallo ka jeediyay taliyaha ciidamada xoogga Somalia,  Jen, Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia, Muxammad Al Uthman.

Ugu dambeyn, Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Ra’iisul wasaare Sharma'arke, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Xukuumadda FS, Madaxweynaha maamulka Koonfuur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya