4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2016
Guddoomiyaha cusub ee xiriirka FIFA oo Maanta loo doortay Gianni Infantino oo Badalaya Blatter


Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee [FIFA] ayaa u doortay maanta Guddoomiye Cusub, Gianni Infantino oo horay u ahaa Xoghayaha xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA, isagoo bedeli doona Guddoomiyihii hore ee FIFA Joseph Sepp Blatter.

Gianni Infantino, ayaa ku guuleystay 115-cod, Wareeggii labaad ee doorashadii maanta ka dhacay magaalada Zurich ee dalka Switzerland, isagoo ka guuleystay Saddex Murashax oo xilkaan kula tartamayay.

Guddoomiyaha Cusub ee FIFA oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Talyaaniga ayaa Wuxuu ka guuleystay wareeggii u dambeeyay ee Doorashada Sheikh Salmaan oo helay 88-cod oo keliya.

Gianni Infantino ayaa u baahnaa 104-cod oo keliya oo ah 50% xubnihii codka dhiibanayay, isagoo Hadal uu jeediyay guushiisa kaddib ku sheegay inuu isbedel ku sameynayo Xiriirka FIFA, uuna dib u soo celinayo sumcaddii uu xiriirku lahaa.

Sidoo kale, waxaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada isna ka Qayb-galay, Ali bin al-Hussein oo u dhashay Dalka Jordan, isagoo helay Afar cod oo ka mid ah codadkii 207-dii xubnood ee codeynayay ay dhiibteen.

Waddamada Kuwait iyo Indonesia ayaan iyagu ka qaybgelin doorashada Xiriirka FIFA ee maanta ka dhacday Zurich, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin sababta ay uga Qayb-geli waayeen.

Ugu dambeyn, Doorashada Infantion ayaa waxay soo Af-jaraysaa bilooyin ay FIFA ahayd Hoggaan la’aan, kaddib markii uu is-casilay Madaxweynihii hore ee Xiriirka, Sepp Blatter oo ay kusoo baxeen fadeexado musuq-maasuq oo la xiriira laaluush qaadasho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya