4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2016
SOMALILAND: Shil gaari oo ka dhacay dulleedka Gabiley oo illaa 14 Qofood ay ku Geeriyoodeen


Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Illaa 14-qof ayaa ku Geeriyooday, sagaal kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka galbeed ee degmada Gabiley ee Somaliland.

Shirkan ayaa ka dhashay laba gaari oo isku dhacay taas oo keentay khasaarihii ugu badnaa inay ka dhashaan shilkaasi, waxaana labadan gaadhi ee isku dhacay kala ahaayeen Nooca loo yaqaan Noha ah iyo Land-cruiser.

Dhimashadii iyo dhaawacii Shilkan ayaa loola soo cararay Isbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa, Waxaana lagu dabiibayaa dadkii dhaawaca ahaa.

Taliyaha Booliiska C/llaahi Fadal Iimaan  oo booqday Isbitaalka lagu dabiibayo dhaawaca ayaa tacsi udiray eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo waliba umada reer Somaliland ee ay ka baxeen 14 kii ruux ee ku dhintay shilka, Sidoo kalena alle uga baryay inuu caafimaad Alle siiyo dadka ku dhaawacmay shilkaas.

“Dadkii maanta ku dhintay shilkaasi waxaan ka tacsiyadaynayaa eheladoodii, qaraabaddoo iyo Asxaabtii ay ka baxeen waxaana leeyahay Samir iyo imaan alle haynaga siiyo, inta uu dhaawaca soo gaarayna, Waxaan leeyahay alla haw sahlo, waxa uu ahaa baryahaa intaynu joognay waxa uu ahaa shilkii ugu cuslaa ee ka dhaca Somaliland waana Qaddar ALLe mid ku dhacday, Arrinkanna waxaan u dirnay saraakiil Sar-sare ah oo soo baadha,” ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Imaan.

Taliyaha ciidanka nabadgalyada wadooyinka Faysal Xiis oo isna faahfaahin ka bixiyey shilkan dhacay, waxaanu yidhi “inta u dhaxaysa magaalooyinka kala-baydh iyo Gabiley waxa ka dhacay shil aad u naxdin badan waxaa ku dhintay 14 qof, laba baabuur oo Noho Iyo Langurusel ah ayay  ahaayeen, markii warkaasi nasoo gaadhay taliyaha ciidanka Somaliland waxa uu markiiba halkaa u diray saraakiil sar sare iyo baadhayaal ayuu u diray si ay usoo baadhan kiiskaas dhacay walina way maqan yihiin oo goobtii uu shilku ka dhacay ayay ku maqan yihiin waana la baadhayaa wixii kasoo baxana dib Ayaan kasoo sheegaynaa, anaguna waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa intii ku dhimatay shilkaasi inta dhaawaca ahna waxaan leeyahay all caafimaad sareecana ha siiyo”.

Dhinaca kale, Madaxaeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay kuwo ku dhaawcmayna ilaahay caafimaad qab u baryey.

Shacab aad u faro badan ayaa ilaa galabta tubnaa cisbitaalka guud isagoo qof walba eegayo inay cidi kaga jirtay dadkaasi shilku ku waxyeeloobay,  waxaana xusid mudan in Shilkaani yahay kii ugu cuslaa ee mudooyinkan dambe ka dhaca Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland