4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2016
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dadka Keenyaanka ah ku tilmaamay inay TUUGO yihiin


Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenya ayaa sheegay in Shacabka Dalkiisa ay “khabiiro ku noqdeen wax Xadidda iyo Geysashada Falal dembiyeedyo kale”. Waxa uu hadalkaasi ka sheegay intuu booqanayay Israa’iil.

Uhuru Kenyatta ayaa intaa ku daray in Kenya “20 jeer ay ka mucjiso badan tahay Israa’iil” laakiin “Dhammaan waxa aan sameyneyo aan sheegasho”, ayuu yiri.

Dadka Kenya sidoo kale waa shacab xad gudub geysta, taageerana qabyaaladda, ayuu yiri Uhuru Kenyatta, xilli uu khudbo u jeedinayay Dadka Kenya eek u nool Israa’iil.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta waxaa asiga laftiisa lagu eedeeyay inuu ku Guul-dareysta wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo inuu kicinayo qalalaase qowmiyadeed.

Hadaladiisa waxaa loo arkay inuu yahay isku dey uu dadka Kenya ugu baraarujinaayo inay dhistaan dalkooda, sida shacabka Israa’iil, waxaa sidaa sheegay Wanyama Chebusiri oo ah weriye ka tirsan BBC-da oo ka howlgala Nairobi.

Dhanka kale, Shacab badan oo Keenyaan ah ayaa waxay Rumeysa yihiin in Hadalka Uhuru Kenyatta uu yahay tooxsi oo keli ah, aysana isaga dhab ka ahayn ladagaalidda Musuqa ama kala qeybsanaanta qowmiyadaha eek a jirta Kenya.

Uhuru Kenyatta waxaa Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ay ku eedeysay inuu kiciyay dagaal Qowmiyadeed Xilligii Doorashadii lagu murmay ee 2007dii, taas oo ay ku dhinteen in kabadan 1,200 oo qof.

Ugu dambeyn, Kiiskaas waxaa la laalay 2014kii, kaddib markii xafiiska dacwad oogista uu Sheegay in aysan u ahayn caddeyn ku filan dacwadda ka dhanka ahayd Uhuru Kenyatta oo isaga dhankiisa beeniyay eedahaas loo jeediyay.

XIGASHO: BBC SOMALI