4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2016
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Kulan la yeeshay Maanta Dhiggiisa Kuwait (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan [Jawaari] oo Magaalada Qaahira ee dalka Masar uga Qayb-galay shirka madaxda Baarlamaannada Waddamada Carabta ayaa kulan la qaatay Maanta Dhiggiisa Kuwait.

Kulankan ayay labada guddoomiye uga wada-hadleen xiriir, iskaashi iyo wada-shaqeyneed oo Dhex-marta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kuwait kaasoo uu sheegay inuu muhiim u yahay shacabka labada waddan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waddanka Kuwait, Marzouq Ali Alghanim ayaa bogaadiyay Guulihii uu ku Tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Somalia, gaar ahaan dhinaca sharci-dajinta oo ahaa: Shuruucdii u dambeysay ee uu Baarlamaanka Soomaaliya Ansixiyay; sida Sharciga Maal-gashiga Shisheeye iyo ka-hor-taga lacag dhaqida, Wuxuuna xusay in diyaar uu u yahay abuurista iskaashi iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada Baarlamaan.

 

Sidoo kale, Jawaari ayaa dhankiisa Tilmaamay inuu diyaar u yahay inay Wada-shaqeyn iyo iskaashi dhex-maro labada baarlamaan, isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay dhiggiisa sida uu u bogaadiyay howlaha uu dadka Soomaaliyeed u hayo baarlamaanka Somalia.

Dhanka kale, Guddoomiyeyaasha ayaa Qalinka ku Duugay heshiis wada-shaqeyn iyo wax-wada-qabsi ah, iyadoo Jawaari uu ka guddoomay dhiggiisa Kuwait Casuumaad gaar ah oo uu u fidiyay, taasoo uu ku booqanayo dalka Kuwait.

Ugu dambeyn, labada guddoomiye ayaa ku balamay in la dhaqan-geliyo waxyaabihii ay ku ballameen, isla markaana ay dhawaan wafdi uu Hoggaaminayo Jawaari ay booqan doonaan Waddanka Kuwait si ay fulinta heshiiskan halkaas uga sii wadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya