4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2016
SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo ku Boorriyay ganacsatada Turkiga inay maal-gashtaan Somalia

Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa Ganacsatada Turkiga u Xaqiijiyay in Soomaaliya ay u furan tahay inay Maal-gashadaan, taasina ay dani ugu jirto labada waddan.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Bursa ee Waqooyi-galbeed ee dalka Turkiga oo caan ku ah Warshadaha kula kulmay Rugta Ganacsiga ee Bursa iyo Ganacsatada Turkiga, isagoo kala hadlay fursadaha ay ka heli karaan Somalia, xilligana uu dalku ku jiro dib u dhis iyo dib u soo kabasho.

“Ganacsatada Turkiga waxay si fudud uga faa’iideysan karaan Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Somalia, Waxaana idin ku Bishaareynayaa in Dalkeennu uu leeyahay Shuruucda maal-gashiga, isla markaana aan ganacsatada Turkida ah kusoo dhaweyn doonno Gacmo furan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Somalia ay leedahay Kheyraad kala duwan, isla markaana maal-gashi lagu sameeyo ay tahay Waddada keliya ee dib u kabasho buuxda ay Somalia ku gaari karto, isagoo intaa ku daray in tixgelin gaar ah la siinayo Ganacsatada ugu soo horreeya ee fursadaha ka jira dalka ee dhanka Maal-gashiga.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhanka kale ka jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ganacsatada Turkiga ee kulanka uu la qaatay, kuwaasoo ujeedkoodu ahaa inay ogaadaan adeegyada kala duwan ee ay ka fulin karaan Somalia.

Kulankaan, ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Madaxa Rugta Ganacsiga ee Bursa, Ibrahim Burkay oo sheegay in ganacsatada Turkiga ay diyaar u yihiin in xiriirka ganacsi ee Turkiga iy Soomaaliya ka dhexeeya ay xoojiyaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa Kulankan Ganacsatada ka hor, Wuxuu khudbad ka jeediyay Jaamacadda Uludag oo ku Taalla Magaalada Bursa, isagoo Xaaladda Soomaaliya ka Warbixiyay, sida; Fursadaha Maal-gashi iyo Kaalinta Wanaagsan ee Turkiga ka Qaatay taageerada Soomaaliya.

Jaamacadda Uludag oo ay wax ka bartaan arday kor u dhaafaya 60,000, ayaa waxaa ka mid ah Arday Soomaaliyeed oo Dowladda Turkiga ay siisay Fursado ay wax kaga baran karaan Jaamacadaha ku yaalla Dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia oo ay Wehliyaan Madaxda Magaalada Bursa, ayaa tagay goobaha Taariikhiga ee Magaaladaas, iyadoo Magaalada Bursa ay ahayd xaruntii ugu horreysey ee Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya