4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2016
Machadka Heritage oo Muujiyay sida ay Ciidanka AMISOM uga bixi karaan Somalia (DARAASAD)


Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Heritage oo ah machad ku yaalla Muqdisho, isla markaana sameeya daraasaad ku saabsan dawlad-wanaagga iyo arimaha guud ee Somalia ayaa Warbixin uu maanta soo saaray ku sheegay habka ay ciidamada AMISOM uga bixi karayaan dalka Soomaaliya oo ay joogeen muddo ku dhow 10 sano iminka maadaama un joogitaankoodu uu toban jirsan doono sanadka soo socda ee 2017-ka.

Warbixintu waxay is-taraatiijiyada ay ciidamada AMISOM uga bixi karaan dalka ugu horeysiisay in si wanaagsan dib loogu dhiso ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay warbixintu sheegtay in howl-galka AMISOM uu yahay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa howl-gallada ay QM taageerto ee ka dhaca caalamka. Agaasimaha Machadka Heritage, Cabdirashid Khaliif Xaashi ayaa warbaahinta usheegay in sida ay ciidamada AMISOM kusocdaan aysan uga adkaan karin Alshabaab.

Warbixinta ayaa sheegtay in badi hawlgalada nabad ilaalintu kubilowdaan si dhaqso ah ayagoo jawaab looga dhigayo qulqulatooyin jira. Sidaa darteed kabixitaanka ayaa noqda mid aan ahmiyad lahayn marka horeba.

Cabdirashid Khaliif ayaa sheegay in hada ciidamada Soomaaliya aysan diyaarsanayn oo aysan lahayn tayadii la rabay aysana haysan hubkii saxda ahaa aysana weliba qabin tababar habboon. Wuxuu kaloo xusay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya dowrkoodu inuusan dawr fiican ahayn Soomaaliduna ay ka didsan tahay.

Ugu dambeyn, Siyaabaha fududeyn kara bixitaanka Ciidamada AMISOM ayaa Warbixintu ku sheegtay in lala heshiiyo Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee caawinaya.