4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2016
SAWIRRO: Dadka Iiraan oo Dooranaya Maanta Xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Khuburada

Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Shacabka Dalka Iiraan, ayaa Maanta u Dareeray sidii ay u so dooran lahaayeen xubnaha baarlamaanka dalkaas iyo kuwa golaha waddankaas ugu sarreeya ee Khuburada, kaasoo ah midka maamulka guud ee dalkaas gacanta ku haya.

Doorashadan ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay 55-Milyan oo qof oo cod-bixintaan ka Qayb-galaya, iyagoo u Codeynaya Xubnaha Baarlamaanka oo ka kooban 290 Xubnood iyo kuwa Golaha sare maamulka dalkaas oo ka kooban 88-xubnood.

Golaha ugu sarreeya Iiraan ee Khuburada, ayaa ah kuwo Dusha kala socda Shaqooyinka uu qabanayo Hoggaamiyaha Ruuxiga ah Iiraan Ayatollah Ali Khamenei, kaasoo ah mas’uulka iska leh go’aanka siyaasadeed ee ugu dambeeya Arrimaha Dibedda dalka Iiraan.

“Waxaan ugu baaqayaa Shacabka reer Iiraan inay doorashadan ka qayb-qaataan,” ayuu yiri Khumeini kaddib markii uu codkiisa dhiibtay, isagoo ku daray intaas. “Waxaanu leennahay cadow isha nagu haya… balse doorashadaan way ku ceebi doonaan… waayo waxaan inaga oo dhan og-nahay inay hadallo Ku-tiri-ku-teen ah Doorashadeenna ka faafinayaan… marka waa in awgeed, shacabku waa inay codka u dhiibtaan si indho-furnaan ah.”

Madaxweynaha Iiraan, Hassan Rouhani oo isaga Qudhiisa ka mid ah xubnaha u Tartamaya 88-kursi ee Golaha Khuburada ayaa xusay in cadowga Iiraan uu u fasiri doono doorashada maanta dhacaysa siyaabo kale, isagoo ku baaqay in hadalladaas aan dhegaha loo furin.

“Cid walba oo u soo baxda Doorashadaan si ay codkeeda u dhiibato, waxaan u sheegi lahaa inay innaga go’an tahay inaan ixtiraamno codkeeda, mana dhicayso Wax is-daba-marin ah, balse cadowgeena ayaa warar been-abuur ah faafin doona, markay Doorashadu dhamaato,” ayuu yiri Hassan Rouhani oo War-fidiyeenka kula hadlayay goob uu codka ka dhiibanayay oo Tehran ku taalla.

Golaha khuburada dalka Iiraan ayaa waxay doorashada kaddib dooranayaan hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas, kasoo hoggaaminaya siyaasadda Arrimaha dibadda dalka Iiraan, isla markaana uu noqonayo ruuxa ugu dambeeya ee go’aankiisa la qaato.

Dhanka kale, Shacabka dalka Iiraan ayaa ku tilmaamay Doorashada dalkooda ka dhacaysa maanta in ay Mustaqbal Wanaagsan u tahay Heshiiskii Nuclear-ka ee dhawaan ay gaareen xukuumadda Iiraan iyo Dalalka Caalamka ugu Quwadda badan oo uu Mareykanka ka mid yahay. Inkastoo ay walaac ka muujiyeen khalalaasaha dhaqaale ee Iiraan ka jira.

“Waxaa dalka Iiraan ka jirta dhibaatooyin dhaqaale iyo shaqo la’aan, sidoo kalena aad ayay Shacabku ugu Wareereen Siyaasadaha kala duwan ee Dalka,” ayay Tahereh Meisami oo ah Haweeney u Dhaq-dhaqaaqda xorriyadda u sheegtay AP, iyadoo intaas ku dartay. “Waxaan Rajeynayaa inaan ka bixi doona dhibaatooyinka jira, Xildhibaannada lasoo dooranayana ay wax ka qabtaan xaaladaha ay shacabka Iiraan ku sugan yihiin.”

Dalka Iiraan, ayaa Waxaa Xukumayay Hoggaamiyeyaal Kacaan ah tan iyo bishii Jannaayo ee Sannadkii 1979-kii oo ahayd markii Xukunka laga Tuuray Boqorkii Iiraan, Mohammed Reza Pahlavi, kaddib markii ay kacdoonno sameeyeen taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalka Iiraan Ayatollah Ruhollah Khomeini oo muddo kaddib geeriyooday.

Xukuumaddii Boqor Reza Pahlavi, ayaa waxaa Xukunka laga tuuray 10-maalmood kaddib, Markii Raadiye ku yaalla Magaalada Tehran uu baahisay in uu Dhammaaday Xilligii keli-talisnimada dalka Iiraan ee soo jiray 2,500 oo Sannadood.

Ugu dambeyn, Dalka Iiraan ayaa waxaa 01-dii bishii Abriil ee Sannadkii 1979-kii si Rasmi ah loogu dhawaaqa inay tahay Jamhuuriyad Islaami ah, waxaana Boqorkii Iiraan uu muddo 15-sannadood ah ku noolaa Dibadda Waddanka Iiraan ka hor intii uusan Geeriyoon.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya