4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 26, 2016
Xiriirka Kubadda Cagta Dunida FIFA oo Maanta dooranaya guddoomiye bedela Blatter (SAWIRO)

Jimco, Feberaayo 26, 2016 (HOL) — Ururka Kubadda Cagta ee FIFA ayaa waxay Maanta dooranayaan guddoomiye cusub, kaasoo bedeli doona madaxweynihii hore ee ururka FIFA Joseph Sepp Blatter oo Xilka iska casilay Sannadkii hore, kaddib markii loo doortay xilkan ayna ururka hareeyeen musuq-maasuqyo kala duwan.

In ka badan 207 xubnood oo Dunida ka kala socda, kana tirsan Ururka FIFA ka tirsan ayaa isugu tagay Jimcaha Maanta ah Magaalada Zurich ee Dalka Switzerland, kuwaas oo Cod u qaadi doona is-bedello lagu sameynayo Nidaamka uu ku shaqeeyo ururka iyo awoodaha ay leeyihiin madaxda cusub ee la dooranayo, si loo joojiyo Musuq-maasuqa FIFA ay xilliyadii dambe ka dhex-jiray.

Joseph Sepp Blatter oo 79-jir ah ayaa FIFA soo hoggaaminayay tan iyo sannadkii 1998-kii, balse Sannadkii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ahayd ugu dhawaaqay inuu iska casilayo Xilka, kaddib markii ay kusoo baxeen Musuq-maasuqyo ay ka mid ahaayeen inuu laaluush lacageed qaatay intii uu xilka hayay.

Guddoomiyenimada FIFA ayaa Waxaa u Tartamaya Shan xubnood oo kala ah; Ali Bin Al-Hussein, Sheikh Salman bin Ibrahim Al-Khalifa, Gianni Infantino, Jerome Champagne iyo Tokyo Sexwale.

Sidoo kale, xubnahan ayaa mid walba wuxuu kulanka Zurich ka jeedinayaa khudbad socon doonta muddo 15-daqiiqadood, taasoo uu ku sharraxayo wuxuu doonayo inuu qabto haddii xilka loo doortay iyo is-bedelka uu soo kordhin doono.

Xubnaha doorashadan ka Qayb-galaya oo ahaa 209 xubnood ayaa waxaa diiday inay kasoo qayb-galaan waddamada Kuwait iyo Indonesia, taasoo ka dhigtay xubnaha 207 xubnood oo keliya,  kuwaasoo codadkooda dhiibanaya.

Natiijada Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Xiriifka FIFA, ayaa lagu dhawaaqi doonaa muddo 24-saac gudahood ah, iyadoo murashaxa doorashadan ku guuleysta uu Sepp Blatter oo guddoomiyihii hore kala wareegi doonaa xilka.

Dhanka kale, Madaxweynaha la bedelayo ee Sepp Blatter ayaa waxay Guddiga Anshaxa ee FIFA ku heleen Sannadkii hore inuu qaatay lacag laaluush ah oo dhan 2-Milyan oo doollar, iyadoo laga mamnuucay inuu ka Qayb-galo muddo lix sano ah cayaaraha caalamiga ah.

Ugu dambeyn, marka ay doorashadan dhammaato ayaa la ogaan doonaa ruuxa ku soo baxa hoggaaminta ururka FIFA, kaasoo ay horyaalaan howlo badan oo ay ka mid yihiin isbedelo lagu sameeyo Xiriirka FIFA iyo sidii uu uga saari lahaa ururka oo cayaaraha kubadda cagta adduunka maamula dhiiqadii uu dhex-muquuranayay Sannadihii u dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya