4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2016
Qof Qori Watay oo Toogasho Dad Kudilay, Mareykanka

Mid ka mid ah dadka dhaawacmay oo isbitaal loo wado 


Jimce, Febraayo 26, 2016 (HOL)-Ciidamada biliiska ee dalkaasi Mareykanka gaar ahaan gobolka Kansas ayaa xaqiijiyay in qof qori sitay uu rasaas ooda uga qaaday dad meel warshad ah ayagu ka shaqeynayay.

Dhowr qof ayaa halkaa ku qudh baxay halka tobanaan kale oo qofna ay dhaawacmeen. Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in uu isna dhintay oo la dilay qofkii dadka laayay. Dad goobta kusugnaa markii falkaasi uu dhacayay ayaa warbaahinta u sheegay in qofka dadka laayay uu watay hub aad u fara badan dadka uu laayayna ay ahaayeen dad jaalkiis ah oo ay isla shaqeynayeen.

Warshadda ayaa kutaal magaalo magaceeda la dhaho Hesston oo kutaal goblkaasi Kansas. Kadib markii booliska loo yeeray ayaa waxaa la sheegay in qofkaasi uu gaari kaxeystay markii uu kaxeynayayna uu weli xabado ridayay ka hor intii aan la dilin.

 

Mareykanka ayaa waxaa ka dhaca falal caynkaan ah oo dad careysan ama wax si ka yihiin ay dad kale iska weeraraan.