4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
Maamulka degmada Kismaayo oo UNHCR ugu baaqay in ay gurmad u fidiso qaxootiga dalkoodii kusoo laabtay
Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) —Maamulka degmada Kismaayo ayaa ka digay nolosha dadka qaxootiga ah ee laga soo daad gueeynayo xerooyinka Dhadhaab ee la keenayo magaalada Kismaayo iyo qeybo ka tirsan gobollada Jubaland, , kuwaa oo uu maamulku sheegay in ay heeystaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah.

Ibraahim Max’ed Yuusuf Timajilic oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin 829 qoys oo ay  hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR kasoo qaaday xerooyinka Dhadhaab iyo qoysas intaa ka badan oo iskood usoo laabtay, kuwaa oo uu xusay in aysan jirin cid gurmad u fidisay.

“Dhibaatada jirta waxa weeye, dadka marka ay yimaadaan, ma jirto meel kasoo horeeyso, cid kasoo horeeyso oo soo dhaweeyneeysa ma jirto, dadkaasi dhibaatooyin badan baa ku qabsaday magaalada, hoy la’aan baa qabsatay,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Hay’adda UNHCR ayaa wada qorshe ay iska kaashanayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo la doonayo in dib dalkooda loogu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee sanadaha badan ku jiray, xerooyinka Dhadhaab ee ku yaal gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa qaxootiga ku jiray xerooyinka Dhadhaab u aragta in ay Qatar ku yihiin ammaanka dalkooda, waxayna dowladda Kenya dadaal ugu jirtaa sidaa dadkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray, safiirka dowladda Kenya ee Sooomaaliya, wakiillo ka socday hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo  dowladda Soomaaliya ayadoo arinta ay magaalada u yimaadeen ay ahayd in ay qiimeyn ku sameeyaan goobihii la dejin lahaa qaxootiga dib loogu soo celinayo dalka.

Xerooyinka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku jira kumannaan qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaa oo dalkaasi galay markii ay burburtay dowladda hore ee Soomaaliya islamarkaana dalka ay ka qarxeen dagaallo sokeeye oo wejiyo kala duwan lahaa, balse caalamka ayaa hadda u arka in Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad ayna tahay xilligii qaxootiga dib loogu celin lahaa dalkooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.