4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
Prof. Jawaari oo Faahfaahin ka bixiyay Natiijada SHIRKII Baarlamaannada Carabta (SAWIRRO)

Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar, ayaa maanta lagu soo gunaanaday shirka Baarlamaannada dalalka Carabta, iyadoo shirkaasi laga soo saaray War-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii laga hadlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo Wafdiga Somalia uga qaybgalay shirka Goggaaminayay ayaa Gunaanadkiisii faah-faahin ka bixiyey Qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay, isagoo xusay in natiijada shirka ay ka mid tahay wada-shaqeyn joogto ah oo xaga shuruucda ay baarlamaannadu ansixinayaan oo ay yeelan doonaan baarlamaannada dalalka carabta, inay si wadajir ah u howlgallaan Baar-lamaanada carbeed iyagoo wada-ilaalinaya Qadiyadaha Waddamada Carabta iyo inay ka shaqeeyaan Baarlamaannada Carabtu dhiirri-gelinta Maalgelin lagu sameeyo Waddamada carabta.

Dhanka Somalia ayuu guddoomiye Jawaari sheegay in Madaxda Baarlamaanka dowladaha carabta ay si wadajir ah u taageereen guullaha iyo hormarka uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ay si dhow ula socdaan shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sida sharciga Maal-gashiga shisheeye, iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo sharciga ka hortagga lacag dhiqida ka warqabka shaqadeenna waxey cadeyneysaa muhiimadda ay Soomaaliya siinayaan ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Jawaari ayaa sheegay in khudbaddii uu ka jeediyey shirka uu uga mahad celiyey waddamada carabta muhiimadda ay siinayaan xaaladda Somalia iyo taageerada ay la garab joogaan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ku dhiirri-geliyay Maal-gashi ay ku Sameeyaan Soomaaliya Xilligaan; taasoo ay Waddamada Carabtu aad u daneynayaan maadaama uu dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharciga Maal-gashiga shisheeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya