4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
SAWIRO: Ururka Dhalinyarada gobolka Hiiraan oo eedeyn u jeediyay dowlada federaalka Somalia

Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Kulan ay Xubnaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan ku yeesheen magaalada Baladweyne ayay ku Dhaleeceeyeen habkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u Maamushay Wakiilladii gobolka Hiiraan uga qayb-gelay shirkii lagu soo gunaanaday shalay Magaalada Isntabul ee Dalka Turkiga.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan, Maxamed C/llaahi Buraalle ayaa ugu eedeeyay si Gaar ah Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya in ay si cad ugu tumatay xaqii ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan u lahaayeen ka Qayb-galka Shirkii lagu soo Gunaanaday Istanbul, isagoo intaa ku daray in taa beddelkeeda Tiradii loogu talo-galay inay gobolka Hiiraan laga iibsaday dhalinyarro tahriib u sii ah dalalka Qaaradda Yurub.

“Shirkii Isbtanbul, waxaa ka qayb-galay, siyaasiyiin iyo xubno ururada bulshada rayidka oo ka kala tagay gobollada Soomaaliya oo idil, nasiib darro 15kii xubood ee gobolka Hiiraan loogu-talagalay in ay shirkaa ku matalaan waxaa lagu sameeyay musuq-maasuq cad, oo cadeymo aan u heli karno, gaar ahaan wasaarrada dhalinyarrada iyo cayaaraha ayaa lunsatay tiradii loo qoondeeyay gobolka Hiiraan, waxaana lagu sii kaxeeyay oo laga iibiyay dhalinyarro tahriib u sii ah dalalka qaarada Yurub kuwaa oo dhowr kun oo doolar laga qaatay'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buuraalle.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan ayaa intaa ku darray'' Waxaan u aragnaa arintan mid ula kac ah oo siyaasadeed xiriirna la leh go'aanka qeybaha bulshada gobolka ka qaateen dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe,waayo ka hor madaxweynaha booqashadii uu todobaad hore ku yimid Beledweyne, annaga si dhaw ayaan arintan ula socnay, waana na lagu soo war-galiyay shirka, basabooradeenna ayaa nalaga-qaaday, balse waxay wax walba is badalleen markii uu madaxweynuhu dib uga laabtay magaalada Beledweyne, basabooradiinii ayaana la kansalay waxaana bilaabatay in dhaqaalle looga qaato dhalinyarro kale oo ku tala-galkoodu ahaa in ay u sii gudbaan dalalka Yurub'' ayuu yiri Raaxeeye.

Eedeyntan oo marka dhinac laga eego ah mid culus ayeey dhamaan xubnihii u hadlayay dhalinyarrada isku raaceen in ay dowladda uga fadhiyaan jawaab cad oo la xiriirta sababta ururada bulshada rayidka gobolka Hiiraan u heli waayeen si la mid ah fursada ururada bulshada gobollada kale u helleen doorkii ay ku lahaayeen qeyb-galka shirkii ku soo dhamaaday magaalada Istanbul.

Ugu danbeyntii, Shirka waxaa gobolka Hiiraan ku matalayay saddex xubnood oo uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, mana jirin xubno ka tirsan ganacsatada ama ururada kale ee bulshada gobolka Hiiraan uga qeyb-galay shirka oo ahaa mid muhiim ah loogana hadlay arrimo dhowr ah oo la quseeya xaalada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya