4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
BAN KI-MOON: Xukuumada Burundi & Xubnaha Mucaaradka Waxay Aqbaleen inay Wadahadlaan


Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon oo Toddobaadkan ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ka ogolaaday in xabsiyada dalkaas laga sii daayo 2,000 oo qof oo maxaabiis ah, inuu culeyska laga qaado warbaahinta iyo in wadahadallada nabadeed ee xiisadda ka taagan dalkaas lagu xallinayo uu qayb weyn ka qaato.

Waxaa dhawaanahaan socday dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayo in xiisadaha ka taagan dalkan ku yaalla Bartamaha Afrika lagu Xalliyo, kaddib markii baqdin laga qaaday inuu ku laabto dalkaas oo 10-sano ka hor ka baxay colaado sokeeye uu mar kale Colaaddii Sokeeye uu dib uuu laabto.

Sidoo kale, Rabshadihii ka socday Dalkaas tan iyo bishii Abriil ee Sannadkii hore ee 2015-ka, ayaa Waxaa la dilay in ka badan 400-ruux oo shacab u badan, iyadoo ay ku barakaceen kumannaan qof oo kale.

“Burundi iyo Qaramada Midoobay waxay isku af-garteen in Wadahadallada nabadeed lasii wado si loosoo af-jaro Xiisadaha Colaadeed ee Taagan,” ayuu ku sheegay Nkurunziza Shir jaraa’id oo ay Wadajir ugu Qabteen Bujumbura isaga iyo Xoghayaha guud  ee QM Ban Ki-Moon, kaddib kulan gaar ah oo ay yeesheen.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli horay ay Xukuumadda Bujumbura u sheegtay inaysan Wadahadal la geli doonin cid ku lahayd afgambigii dhicisoobay ee bishii May ee Sannadkii hore ka dhacay dalkaas, kaasoo lagu inqilaabi ahaa Pierre Nkurunziza.

Ki-Moon ayaa intii uu ku sugnaa Bujumbura wuxuu la kulmay hoggaamiyeyaasha kooxaha Mucaaradka dalkaas, isagoo xusay in Dhinacyada oo dhan ay diyaar u yihiin inay xalliyaan khilaafka u dhexeeya.

“Waxaan ku Dhiirri-geliyay hoggaamiyeyaasha Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka ah inay ka shaqeeyaan Nabadda Waddankooda, Waxayna dhammaantood ballan-qaadeen inay yeelanayaan Wadahadallo dhameys-tiran, sida uu Nkurunziza idiin sheegay,” ayuu yiri Ban Ki-Moon oo dhankiisa ka hadlayay Shirka jaraa’id.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Hadalkiisa ku daray. “Waxaa kaloo ka mid ahaa Waxyaabihii aan isku af-garannay Nkurunziza in Xabsiga laga sii daayo maxaabiis badan oo xiran. Waxaan rajeynayaa in tallaabooyin kale oo dhaaraad ah la qaadi doono.”

Afhayeenka Axsaabta Mucaaradka Burundi ee UPRONA, Thacien Sibomana ayaa isagana si Taxaddar leh uga hadlay Tallaabada lagu sii daynayo Maxaabiista, Wuxuuna Saxaafadda u sheegay. “Ma hubno in Pierre Nkurunziza uu sii daynayo Xubnaha Mucaaradka ee Xiran. Waxaan ka baqayaa inuu sii daayo dad uu gaar u Xushay, mana Garanayno Tallaabooyinka uu isticmaalayo marka maxaabiista uu kasii daynayo xabsiga.”

Madaxweynaha Burundi, Nkurunziza ayaa horay uga soo Hor-jeestay Qorshe uu Midowga Afirka ku geyn lahayd dalkiisa 5,000-Askari oo nabad-ilaalin ah si ay u difaacaan shacabka Burundi. Isagoo Dhanka kalena u Sheegay Ban Ki-Moon in Rwanda ay Gacmaha kula jirto xiisadaha ka taagan dalkiisa.

“Waxaanu weydiisannay Xoghayaha Guud ee QM inay naga Caawiso sidii loo joojin lahaa fara-gelinada ay Rwanda ku hayso Waddankeenna, waayo innagu waxaan doonaynaa inaan dalkaas dariska nala ah ula dhaqanno si ay darisnimo ku jirto,” ayuu Nkurunziza hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Burundi ayaa Bishii December ee sannadkii hore ku eedeysay Waddanka ay jaarka yihiin ee Rwanda inay hubeynayso Qoxootiga Burundi ee dalkeeda ku sugan si ay colaadda qayb uga noqdaan, Balse Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ayaa iska fogeeyay eedeyntaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya