4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
MADAXWEYNAHA SOMALIA: Weerarkii Ceel-cadde Waxaa Kenya looga dilay illaa 180 Askari


Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Max'uud ayaa sheegay in tiro u dhexeysa 180 illaa 200-Askari oo Keenyan ah lagu Dilay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday 15-kii Bishii Jannaayo, 2016-ka, Saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. Laakiinse ciidamada Kenya ayaa diiday tirada uu Madaxweynaha Somalia sheegay in looga dilay Weerarkii Deegaanka Ceel-cadde.

Dowladda Kenya, ayaan weli sheegin Tirada Ciidamadii looga dilay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Bishii Jannaayo ee Sannadkan Saldhigga deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ay ku lahaayeen.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay Weerarkaas ku dileen 100-Askari oo ciidamadii Kenya ee saldhiggaas ku sugnaa ka mid ah, halka ay xuseen inay 12-askari oo nool gacanta ku dhigeen.

Tirada uu sheegay Madaxweynaha Somalia in looga dilay ciidamada Kenya Ceel-cadde ee ah inay ka badan yihiin 180-Askari oo Keenyaan ahaa, ayaa Haddii ay sax noqoto, Wuxuu Noqonayaa Weerarkii ugu Khasaaraha badnaa ee ay Al-shabaab Geysato Tan iyo markii la Aasaasay Kooxdan Muddo Toban Sano ku dhow.

Afhayeenka Ciidanka Kenya ee KDF-ta, Col. David Obonyo oo isagana la Hadlay Maanta Warbaahinta Dalka Kenya, ayaa sheegay in tirada Ciidamadii looga dilay Kenya Weerarkii Ceel-cadde ee uu sheegay Madaxweynaha Somalia aysan ahayn kuwo sax ah.

“Weli innagu kama hadlin tirada khasaaraha Ciidankeenna loogu geystay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Saldhigga Ciidamadeennu ku sugnaayeen ee Ceel-cadde, waayo cidna ma ogaan karto khasaaraha dhabta ah ee Weerarkaas ka dashay, Dhibaatooyin ay Geysteen kooxo kalena Aniguba ma sheegi karo,” ayuu intaas raaciyay Afhayeenka Ciidanka Kenya.

Col. Obonyo ayaa intaas ku daray. “Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha Somalia uu u Hadlayo Ururka Al-shabaab. Tiradan uu Xasan Sheekh Sheegayna ma ahan kuwo si sax ah loosoo xigtay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tirada ciidamada Kenya looga dilay weerarkii Ceel-cadde ku sheegay Wareysi uu Wadajir ugu siiyay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga HOL iyo Somali-Cable TV, Wuxuuna isla Wareysigan ku difaacay ka qayb-galkiisii Aaskii Qaran ee loo sameeyay Qaar ka mid ahaa Ciidamadii Kenya ee Ceel-cadde ay ku dishay Al-shabaab.

Dhanka kale, Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha DF inuu ka Qayb-galay Aaskaas, xilli ay Kenya dhibaatooyin kala duwan ku hayso shacab Soomaaliyeed oo ku nool qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Balse, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inay Muhiim tahay inuu ka qayb-galo Aaska Qaran ee loo sameeyay Ciidamadii lagu dilay Deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

“In 180 ama ku dhawaad 200 oo Askari oo loosoo diray inay Somalia taageeraan oo maalin keliya la dilo ma aha mid fudud,” ayuu Madaxweynaha Somalia ku yiri wareysigan, Isagoo Hadalkiisa ku daray. “Askartan waxay ahaayeen kuwo loosoo diray in Nabadeynta Somalia ay ka Qayb-qaataan, iyadoo Qoysaskooda loo sheego in ay Geeriyoodeen iyagoo hawshaas ku jira, taasina ma ahan mid la fududeysan karo.”

Ugu dambeyn, Kenya ayaa Waxaa kaga Sugan Soomaaliya in ka badan 4,000 oo Askari oo Qayb ka ah hawlgalka Ururka Midowga Midowga Afrika [AMISOM], kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 22,000 oo Askari, kana taageera Dowladda Somalia Dagaallada ay kula jira Xoogagga Al-shabaab.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Magaalada Istanbul, Turkiga