4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Maanta Xukuntay Rag ku eedeysan dilkii Wariye Hindiya


Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia oo Maanta dhageysatay Dacwadaha loo haystay lix Ruux oo gabi ahaan ku eedeysnaa dilkii wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka Tirsanayd Shaqaalaha Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in C/risaaq Maxamed Barrow oo ahaa ruuxii gaariga ugu xiray qaraxii ay ku geeriyootay wariye Hindiyo Xaaji uu qirtay dambiga, isla markaana cadeymo muujinaya dambigaasna la hor-keenay Maxkamadda ayaa lagu Xukuntay dil Toogasho ah.

“Maxkamadu Waxay Dil Toogasho ah maanta ku Xukuntay eedeysane, C/risaaq Maxamed Barrow oo 28-jir ah, ahaana ruuxii ka dambeeyay dilkii, Wariye Hindiya Xaaji Maxamed,” ayuu yiri Guddooomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka Sida ee Dowladda Somalia, Col. Xasan Cali Nuur Shuute oo ah oo ku Dhawaaqayay Xukunka Maxkamaddu ridday Maanta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Makxmaadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa intaas ku daray in maxkamaddu ay sidoo kale Xabsiyo kala duwan ku ridday Shan Qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa inay ku lug lahaayeen dilkii Wariye Hindiya, kuwaasoo qaar ka mid ah xukunno madaxaa ha ku furto ama xabsi daa’in ah lagu xukumay.

Xukunka Xabsi Daa’inka ah ama Madaxaa-ha-ku-furto ahaa ayaa lagu riday:

1. Xasan Nuur Cali Faarax oo 37-jir ah.
2. Macalin Maxamed Abuukar Cali oo 42-jir ahaa
3. Macallin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere oo 56-jir ahaa

Dhanka kale, labada ruux ee soo hartay ayaa lagu ridday xukun min Shan sano oo xabsi ah, waxayna Magacyadoodu kala yihiin:

1. Muxyadiin Cismaan Maxamed Cawaale oo 22-jir ah.
2. Cali Xasan Aadan Tooni oo 40-jir ah

Ugu dambeyn, Maaha markii ugu horreysay oo ay maxkamadda ciidamada DF ay xukunno noocan oo kale ah ku Rido xubno loo haysto dambiyo kala duwan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya