4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
SAWIRO: Golaha wasiirada Somalia oo Ansixiyay Guddiga Amniga iyo Difaaca Xeebaha SOMALIA


Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia ayaa Shir ay maanta yeeshay oo uu shir-guddoominayay ku-simaha Ra'iisul wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda Somalia, C/llaahi Axmed Jaamac [Ilka-Jiir], ayaa wasaarado kala duwan looga dhageystay, waxaana lagu Meel-mariyay Siyaasada Guddiga Amniga iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirrada Somalia, ayaa waxay Warbixin la xiriirta Amniga Guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaasoo sheegay in Hawlgallo ay ka sameeyeen Ciidamadu Dowladda Deegaanno Hoos-yimaada Degmada Mahadaay oo ay ka mid yihiin; Ceel-baraf & Caadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe oo ay horay ugu sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabab ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka.

 

Sidoo kale, Waxaa kulanka laga sheegay in Hawl-gallo kale oo ay Ciidamada Dowladdu ka sameeyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo lagu fashiliyey falal amini-darro oo ay maleegayeen kooxaha argagixisada ah.

Ugu dabmeyn, Golaha Wasiirrada Somalia ayaa Ansixiyay Siyaasada Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo uu soo Gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la xusay in Siyaasaddan cusub sidaas lagu Dhaqan-galin doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya