4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
Madaafiic sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta ka Dhacay MUQDISHO


Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux  oo Qaarkood ay isku Qoys kasoo jeedeen ayaa ku geeriyooday, Toddoba qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Madaafiic maanta ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigley oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn meesha laga soo tuuray ayaa sidoo kale ku dhacay meelo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay dhaawacyo kala duwan ka geysteen, iyadoo hay’adaha amniga dowladda Somalai aysan weli ka hadlin madaafiicdan khaaaraha geystay

Dadka ku dhintay madaafiicda ku dhacay xaafadda Cago-dhiig oo Degmada Hawl-wadaag ka tirsan ayay Tiradoodu ahayd Saddex ruux oo hal Qoys kasoo jeeda oo kala ahaa; Hooyo lagu magacaabi jiray, Xaliimo iyo Carruur ay Waalid u ahayd.

“Xaafadda Cago-dhiig, Maanta waxaa kusoo dhacay Hoobiyeyaal, saddex qof oo isku qoys ah ayaana ku dhintay, dadka waxaa galay argagax iyo cabsi weyn,” ayuu yiri Goobjooge ka mid ahaa dadkii ku sugnaa xaafadda Cago-dhiig o ay ku dhaceen hoobiyeyaal dhowr ah.

Sidoo kale, Xaafado ku dhow Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof oo la sheegay inay Rag ahaayeen, Waxaana Dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen illaa afar ruux oo kale.

Goob-joogayaal ku sugan xaafadaha Wardhiigley ka tirsan ee maanta ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa saxaafadda qaarkeed u xaqiijiyay inay duqeyntu geysatay khasaare isugu jirta dhaawacyo iyo dhimasho geysteen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhowr qof ay dhaawacyo kala duwan kazoo gaareen qaar ka mid ah Madaafiicdaan oo ku dhacay Madaxtooyada Somalia, inkastoo aan la ogeyn inay ku jiraan xubno ka tirsan Dowladda Somalia iyo in kale.

Dhanka kale, Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqeymahaan Muqdisho ka dhacay maanta, inkastoo Al-shabaab ay horay u sheegatay mas'uuliyaddad madaafiic horay loola beegsaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Gaadiidka Gurmadka deg-dega ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka qaaday Dhaawacyada qaarkood xaafadihii ay Madaafiicdaani ku dhaceen, laakiin weli kama hadlin arrintan hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Sooomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya