4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
WARBIXIN: Haweenka Soomaaliyeed Is-beddelo Dhinaca SIYAASADDA ah ayay Keeni Karaan


Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Xaflad Heer Sare ah oo ku Saabsanayd Haweenka, nabadda iyo amniga ayaa la qabtay maalintii furitaanka shirkii looga arrinsanayay arrimaha Somalia ee (HLPF), iyadoo looga hadlay xaquuqda Haweenka Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay wax ka qabtaan Siyaasadda, Ammaanka iyo Ajandaha dhisida Waddankooda.

Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar, ayaa waxay kusoo dhaweysay Xaflad quraac ah ka-qeybqaateyaasha taasoo loogu magac-daray Haweenka, Nabadda iyo Amniga: Maal-galinta Nabaddoonada iyo dadka dib-dhisa mujtamaca. Xaflada waxaa si wadajir ah u soo abaabulay wasaaradeeda & wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federaalka oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay iyo dawladaha Sweden, Norway, Denmarka iyo Ingiriiska. 

"Waa in nala siiyo aalado aanu wax uga beddelno siyaasadda dalka," wasiiradda ayaa sidaa tiri. Iyadoo Carrabka ku adkeysay faa'iidada ay leedahay in la siiyo dumarka Soomaaliyeed fursad u saamxda inay siyaasada uga qeyb qaataan sidii hore si ka wanaagsan. "In dumarka la siiyo fursad ay sidii hore si ka waangasan uga qayb-qaataan siyaasada waxay u horseedi kartaa in la helo bulsho wanaagsan, taasoo keeni karta in kheyraadka wadanka si siman loo Qaybsado."

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating ayaa boogaadiyay go'aanka lagu siinayo Haweenka Soomaaliyeed 30% kuraasta Aqalka sare iyo kan Hoose ee baarlamaanka xiga ee dalka. Labada Aqalba waxaa xubnahooda lasoo dooran doonaa Agoosto 2016.

"Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xiiso leh oo muhiim u ah Qaabeynta Dowladda iyo Hannaanka dawlad-dhisida," sidaas ayuu yiri Mudane Keating. "Fursadaha loogu tala galay Haweenka inay uga qeyb qaataan hannaankaan waa in la ogaado laguna dhago". Intaa ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn, Danjire Keating wuxuu tilmaamay in hannaanka doorashada ee Sannadkaan 2016-ka, hannaanka dib u eegida Dastuurka iyo abuurida geeddi-socodka doorashooyin qof walba iyo cod ah sannadka 2020 ay yihiin saddex fursadood oo rajo leh oo loogu talo-galay in lagu Abuuro Masiir loogu Talo-galay in Haweenka Soomaaliyeed, si ka badan sidii hore loogu xoojiyo dhanka siyaasadda. 

Haweeneyda ah Maareeyaha Barnaamijka Dalka ee QM u Qaabilsan Arimaha Haweenka Soomaaliya Caroline Rusten ayaa xustay in shirka ujeedka laga lahaa uu ahaa in diirada la saaro baahida loo qabo amni dheeraad ah, waddo loo maro caddaalada iyo ka qeyb gal siyaasadeed oo dumarka loogu tala galay si sare loogu qaado xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.

Rusten ayaa sharraxaad ka bixisay sida degdega ah ee loogu baahan yahay in loogu garawsado haweenka Soomaaliyeed in ay yihiin wakiilo isbaddal waxayna xustay in nabadi ay aad u wanaagsan tahay lana dhawri karayo markii ayaga siyaasada laga qeyb gasho. Waxay intaa ku dartay in baahi loo qabo in la qaado tillaabo wadajir ah si sare loogu qaado matalida iyo hawlinta dumarka marka laga hadlayo dejinta ajendaha Soomaaliya iyo ahmiyadaha sanadaha soo socda.

"Dumarka Soomaaliyeed ayaa waxaa badanaa lagu sheegaa inay  yihiin dhibbaneyaal, dowrkoodana si wanaagsan looma aqoonsan" ayay tiri Rusten.    

Ka qeybqaateyaashii shirkaa ayaa ka codsaday dawlada Soomaaliya inay ansixiso Heshiiskii Caalamiga ahaa ee ku saabsanaa Ciribtirka dhammaan noocyada kala duwan ee Gabboodfalka Kadhanka ah Haweenka ayna wax ka qabato dhibaatooyinka haysta sinnaanshaha jinsiga iyo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan adkeynta nabadda iyo ammaanka ayadoo ay tahay in arimahaas oo dhan lagu soo daro Qorshaha Qaran ee Horumarka ee la dejin doono.

 Xafiiska Wararka ee Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya