4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2016
SAWIRRO: Roobab ka Da’ay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sool Xilli Abaaro aad u Adagi ka jireen

Khamiis, Feberaayo 25, 2016 (HOL) — Waqooyiga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Waxaa ka da’ay Roobab gellinkii dambe ee Arbacadii, iyadoo Deegaannada ay roobabku ka curteen ay u badan yihiin dhul-daaqsimeed xaaluf aad u darani uu ka jiray.

Deegaan u dhexeeya Xudun iyo Laascaanood ayaa roobabku intooda xooggani ku da’een. Iyadoo Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah dadka Reer Guuraaga ah uu u sheegay HOL in roobabku ay deegaanno kale oo badan ku hooreen.

Sidoo kale, Degmada Xuddun ee Gobolka Sool oo ka mid ah deegaannadii ay ku dhufteen abaaraha ba’an ayay roobabku ka curteenraababku ka curteen, kuwaas oo qaybo degmadda ka mid ah si wanaagsan uga da’ay.

"Magaalada waxaa helay roob, halka deegaano galbeed ka xigana ay roobab ay ka da’een, sidoo kale dhinaca Waqooyi ku quman roobku wuu ku xooganaa, lamana hubo xaqiiqada dhabta ah oo galabta ayuu mar qura jawigu is-bedelay; dadkuna maanta ayun bay is-warey-sanayaan tayada roobka iyo wixii saadaal ah intaba," ayuu HOL u sheegay Axmed Cali Faarax oo ah suxufi ku sugan degmada Xudun.

Dhinaca kale, Degmada Taleex ee Gobolka Sool, waxaa lagu soo warramayaa in deegaano ka mid ah ay roobabka gu’ga ka curteen; kuwaasoo ay ka mid yihiin; Sarmaanyo sida uu HOL u xaqiijiyay Xuseen Cabdi Timir oo halkaasi ku sugan, isagoo intaas ku daray inay dhulka Soolka ah Roobab biyo lihi ka muuqdaan; walow magaalada xoogaa roob ahi helay.

Magaalada Buuhoodle howdkeeda ayaa iyana laga soo sheegayaa inay jiraan Roobab xalay Fiidkii ka billobmay; sida uu HOL u sheegay Sekeriye Maxamed Ciise oo ku Sugan Widh-widh.

Roobabkaan ayaa Waxay imaanayaan xilli Yididdiilo baaxad leh ay soo Wajahday Dadka Reer Guuraaga ah oo Baad iyo Biyo la'aan baaxad lihi ay haysay, iyadoo ay kusoo beegma-yaan xili guud ahaan deegaannadaas lagaga dhawaaqay inay kusoo wajahan tahay Xaalad ba'an.

Ugu dambeyn, Kumannaan Qoys oo Reer Guuraa ah ayaa Hayaan aan Weji lahayn Hadba dhinac ugu socda, iyagoo Dadaal ugu jira sidii ay Xoolahooda uga Bad-baadsan lahaayeen Abaaraha; iyadoo haatana ay soo galayso Rajo ah in dib ay ugu laaban doonaan Dhulalkii ay markii hore ka yimaadeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool