4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2016
Qaar Kale oo Qaxootiga Dhadhaab ah oo Soomaaliya Lagu Celinaayo

 

Khamiis, Febraayo 25, 2016 (HOL)-Hayada QM u qaabilsan amuuraha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa waxa ay bilowday hawlgal cusub oo lagu celinayo qaar kale oo ka mid ah qaxootiga Dhadhaab.

Kadib heshiiskii dhawaan laga gaaray arimaha qaxootigaa Dhadhaab ee saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen UNHCR iyo dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa dad iskood u door biday inay ugu laabtaan Soomaaliya waxaa lagu celiyay Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo oo ahaa meelihii ay door bideen inay ku laabtaan isla markaana ay markii hore ka yimaadeen.

Waxay ahayd sanadii 2014 markii la bilaabay in qaxootigaa dib loo celiyo haatana waxaa UNHCR ay damacsantahay inay dib u celiso dufcadii labaad ee qaxootigaa.

Waxaa sidoo kale la kordhiyay degmooyinka dadka lagu celinaayo oo haatan waxaa laga dhigay ilaa 9 degmo. Horey waxaa soomaaliya loogu celiyay qiyaastii 10 kun oo qof, laakiin haatan waxaa la qorsheynayaa in 50 kun oo qof tirada la celinayo la gaarsiiyo, sida uu sheegay Adan Rashiid Cabdi oo ah madaxa qeybta dib u celinta qaxootiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta in qaxooti badan ay ku raafaadsan yihiin xeryaha Dhadhaab si kaba daran sidii hore maadaama la dhimay raashinkii la siin jiray bishii Nofembar ee kal hore. Halkii qof ayaa waxaa la siin jiray awal 12 kg oo raashin ah dabadeedna waxaa lagu soo koobay 6kg calaa shakhsi. Teeda kale waxaa awal la bixin jiray raashinka labo jeer bishii ayadoo haatan la bixiyo hal jeer oo qura.

Arintan celinta dufcada labaad ee qaxootigaa Dhadhaab ah ayaa waxay kusoo aaday ayadoo waqti xaadirkaan lagu jiro kuleyle isla markaana ceelasha Dhadhaab ay biyo yareeyeen matooro badan oo kuwa biyaha usoo saara dadkaas qaxootiga ahna ay jabeen isla markaana ay xeryahaa Dhadhaab ka taagan tahay biyo yari ba'an gaar ahaan Xerada Kaambi Caws.

Halkaa markii ay xaajadu mareyso ayaa qaxooti badan waxay go'aansadeen inay isu diyaariyaan inay dalkoodii Soomaaliya dib ugu laabtaan oo beerahoodii ay qotaan ama ay nolol tan xeryaha dhaanta ka doontaan dalka hooyo.

Xafiiska Wararka ee Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.