4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
Xoogagga Hoggaamiyaha Fallaagada Koonfurta Suudaan oo loo ogolaaday inay ku laabtaan Juba


Arbaco, Feberaayo 24, 2016 (HOL) — Xoogagga Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka South Sudan, Riek Machar oo dhawaan uu Madaxweyne Salva Kiir u Magacaabay Madaxweyne ku xigeen ayaa loo oglaaday inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Juba ee xarunta dalkaas, sida ay Warbaahinta u sheegeen Guddiga la socodka Nabadda iyo Fulinta Heshiiskii horay ay u gaareen dhinacyada iskuhaya Awoodda Waddankaas.  

Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo taageerayaasha Machar loo ogolaado inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Juba, tan iyo Bishii December ee 2013-kii oo dalkaas uu ka qarxay dagaalka u dhexeeya Ciidamada kala taabacsan Salva Kiir iyo Riek Machar.

Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Waddamada kale ee Awooda leh; ayaa Cadaadis ku saaray labadaan dhinac inay kala saxiixdaan bishii Ogoosto ee Sannadkii hore Heshiis lagu soo af-jarayo colaadda dalkaas ka taagan, Heshiiskaas oo farayay dhinacyada inay Awooda maamulka dalka Wadagaan.

Sidoo kale, Warbixin ay QM soo saartay bishii lasoo dhaafay ayaa waxay ku sheegtay inay labada dhinac ee isku haya Awoodda Koonfurta Suudaan ay Heshiiskii ay gaareen, iyadoo Xustay in lagu soo rogayo cunno-qabateynno la xiriira dilal ay geysteen intii ay Colaaduhu socdeen.

 

Dhanka kale, Bishii lasoo dhaafay ayuu Madaxweyne Salva Kiir Wuxuu xili Madaxweyne ku xigeenkiisa u magacaabay Riek Machar, taasoo dib u soo celisay rajadii laga qabay inuu fulo heshiiskii ay gaareen Mucaaradka iyo Xukuumadda South Sudan.

Kulan ay Talaadadii shalay ahayd yeesheen Guddiga la socodka Fulinta heshiiskii kooxaha South Sudan, ayaa lagu sheegay in Ciidammo tiradoodu gaarayso 1,370 Askari oo ka tirsan xoogaga Riek Machar loosoo daad-gureyn doono xarunta dalkaas ee Juba toddobaadka ugu horreeya ee bisha soo socota ee Maarso, sida saxaafadda uu u sheegay Festus Mogae oo ah guddoomiyaha guddiga kor-joogtada ah ee loo soo gaabiyo magaciisa JMEC.

“Waxaa la isku Af-gartay in lasoo Af-jaro Wajigii koowaad iyo labaad ee heshiiska, iyadoo 1,370 oo Askari oo ay ku jiraan 700 oo booliis ah lagu soo celiyo Magaalada Jubba, wuxuu heshiiskanna ku yimid Qaab isu-tanaasul ah,” ayuu Mogae mar kale u sheegay Saxaafadda.

Afhayeen u Hadlay Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar ayaa isagana Warbaahinta u u xaqiijiyay in la gaaray heshiiskaan dhigaya in Ciidammo mucaaradka ka tirsan Juba lagu soo celiyo, isagoo sheegay in Tallaabadaas ay billaabanayso Toddobaadka soo socda.

Ugu dambeyn, heshiiskan xoogagga Machar qaarkood loogu soo celinayo Juba, ayaa kusoo Beegmaya Xilli uu Dalkaas Booqanayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, isagoo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya