4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
Ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM oo Maanta qabsaday deegaano ka tirsan Hiiraan & Sh/dhexe


Arbaco, Feberaayo 24, 2016 (HOL) — Ciidanka Dowladda Somalia oo Garabsanaya kuwa Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saacadihii u Dambeeyay Waxay la Wareegeen Deegaanno dhawr ah oo hoos-taga Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku hubeysan gadiid dagaalka ayaa la sheegay inay la wareegeen deegaanka Ceel-baraf oo qiyaastii 26-km Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan u jira, kaddib markii ay ka baxeen Xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay inay Al-shabaab deegaankaa sii baneeyeen; kaddib markii ay markii ay war helleen in ay ku soo socdaan Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM, iyagoo intaa ku darray in ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Ceel-baraf oo dhinaca kale 40-km u jira degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe.

Sidoo kale, Ciidanka dowladda Federaalka ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaannada la isku yiraahdo Afarta-tuulo oo in muddo ah ay maamulayeen Xoogagga Al-shabaab.

Deegaannada Afarta-tuullo, ayaa Waxaa ka mid ah; Biyo-Cadde, Caadley, Miir-taqwo iyo Cali-fool-dheere oo ka mid ah Deegaannada Hoos-yimaada Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda FS iyo kuwa AMISOM Hawl-galkan ku wehliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda Deegaannada ay la Wareegeen Ciidamada, kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyayba dagaal kula jiray Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hawlgalka ay ciidamada DFS iyo AMISOM ka sameynayaan Deegaannada Hoos-taga Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada ayaa ka dhigay howlgal is ballaarin ah oo ay wadaan Ciidamada is-garabsanaya, laakiin Ciidankaan is-bahaysanaya ayaa inta badan lagu eedeeyaan in aysan ku nagaan Deegaannada ay la Wareegaan, iyagoo maalmo kaddib isaga baxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya