4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2016
Madaxweynaha Mareykanka Obama oo sheegay in uu Xirayo Xabsiga Weyn ee Guantanamo Bay


Arbaco, Febraayo 24, 2016 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama ayaa soo jeediyay Talaadadii lasoo dhaafay Qorshe Xukuumadiisu ay ku damacsan tahay in la xiro Xabsiga Guantanamo Bay, Arrintaasoo qayb ka ahayd waxyaabihii uu ballan qaaday intii uu ku jiray tartankii doorashadiisa.

Obama ayaa damacsan inuu arko xabsigaas oo albaabada loo laabay ka hor inta uusan jagada madaxweynenimada banayn sanadka soo socda.

Asagoo ku tilmaamaya in jeelkaasi yahay uskag ku yaala sifaha Mareykanka iyo dhiirigalin dadka jihaad doonka ah u ahaatay, ayaa Obama yiri "Dooni maayo inaan dhibaatadaan u gudbiyo madaxweynaha xiga."
"Sanado badan ayaa waxaa iska caddaa in xabsigaasi kuyaala  Guantanamo Bay uusan horumar ukeeneyn amnigeena qaran. Hoos ayuu u dhigayaa," Obama ayaa intaa raaciyay.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay qorshe ku kacaya $290,475 milyan oo lagu geynayo maxaabiista xabsigaa ku haray oo tiradoodu tahay 91 dibada iyo mid ka mid ah 13 xabsi oo macquul ah oo kuyaala gudaha Mareykanka.

Obama wuxuu isku dayayay muddo sideed sano ah inuu xiro xabsigaas laakiin waxaa arinkaa ka soo horjeedsaday golaha  Koongareeska oo gaashaanka u daruuray, Pentagon-ka Mareykanka, qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa iyo dalalka Mareykanka la leh isbaheysiga oo ayagu diiday inay dalalkooda ku hayaan dadka xabsigaas ku xiran ee looga shakisan yahay falalka argagixisonimada.

Markii uu murashaxa madaxweyne ahaa iyo hada oo madaxweyne uu yahayba, Obama wuxuu aad ugu celceliyay in xarigga aan maxkamada lahayn ee maxaabiista ku xiran Guantanamo  uu dhib ku yahay sawirka Mareykanka iyo ammaanka Mareykanka ee qaran labadaba.

Xafiiska Wararka - Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya