4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
SMAIL CHERGUI: Midowga Afrika Door ayuu ku leeyahay Is-bedelada Somalia ka jira Xilligaan


Arbaco, Feberaayo 24, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gudiga Amniga iyo Nabad-galyada ee Midowga Afrika, Danjire Smail Chergui oo Warbixin ku Saabsan Kaalinta uu Midowga Afrika ee Somalia iyo Hawl-galka Ciidamada AMISOM ka jeediyay Shirka Dalka Turkiga loogu qabtay Somalia ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo Ciidamada AMISOM ay kaalin weyn ku leeyihiin Qorshayaasha lagu doonayo in Soomaaliya lagu Nabadeeyo.

Danjire Smail Chergui ayaa sheegay Midowga Afrika ay kaalin weyn ku leeyihiin howlaha Somalia, sida siyaasadda, millateriga, dhaqaalaha, amniga, Gargaarka Bani’aadamnimo iyo Weliba Hawlaha kale ee Somalia ka socda sida Doorashada la filayo inay Sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa ka dhacdo Soomaaliya.

“Markii Ciidamada AMISOM ay Hawl-galkooda ka billaabayeen Somalia Sannadkii 2007-dii, markaasoo Xukuumaddii Somalia ay ku ekaayeen Villa Somalia, ayay Ciidamadeennu billaabeen hawl-galladooda ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaasoo looga saaray deegaano ay gacanta ku hayeen, taasoo caddeyn u ah in ciidamadeenu awood ay u leeyihiin inay isbedel muuqda ka dhaliyaan Soomaaliya,” ayuu Danjiruhu ku yiri hadalkiisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu Danjire Smail Chergui yiri. “Xukuumadda Somalia iska daaye inay dalka Maamusho ee xitaa Magaalada Muqdisho ma aysan maamuleyn, mana lahayn awood ciidan iyo mid siyaasadeed oo ay ku gaarto deegaannnada ay maanta ka taliso.”

Sidoo kale, Danjire Chergui ayaa xusay in markii Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay Al-shabaab ka saareen deegaano badan oo Koonfurta & Bartamaha Somalia ku yaalla ayna ku jirto Caasimada Muqdisho ay kooxda Al-shabaab door-biday inay Weerarro ka geystaan gudaha dalka Kenya oo daris la ah Soomaaliya.

“Warka wanaagsan ee aan wado waa in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay u fududeeyeen Dowladda Federaalka Somalia inay awooddeeda ku ballaariso inta badan deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Somalia; deegaannadaas oo ay ka dhistay maamul-goboleedyo kuwo kalena ay hadda socdaan, Tallaabadaanna waa guul weyn oo laga gaaray geeddi-socodka Nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, Dadaalka Guulahaas lagu gaarayna waan sii wadaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Chergui.

Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika, ayaa wuxuu madaxda Soomaalida uga mahad-celiyay heshiiska ay ku gaareen in doorasho ay ka dhacdo Somalia Sannadkaan lagu jiro ee 2016-ka, isago xusay in taageero ay ka geysan doonaan.

“Waxaan ka digayaa in dib loogu laabto halkii laga yimid, waxaadna mar walba qalbiga ku haysaan in guulahan la gaaray dhiig qaali ah oo la bixiyay iyo sidoo kale dadaal fara badan. Waxaanan idin-ku boorrinayaa inaad si dhaqso ah ku qabtaan Hawlaha idiin dhiman ee aan weli la qaban, si dadaalka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka Somalia ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu Danjire Smail Chergui ku yiri hadalkiisa.

Danjire Cherugi, ayaa wuxuu xubnaha shirka Turkiga ka Qayb-galayay u sheegay in hadda ay u dajiyeen saddex tiir oo Muhiim ah sidii looga hor-tegi lahaa Weerarada ay Al-shabaab xilligan geysanayso; kuwaasoo saldhig u noqon doona Hawlgalka ay Ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxayna tiirarkan kala yihiin:

Kow: Inaanu dib-u-habeyn ku sameynno Ciidamadeenna AMISOM; si ay u noqdaan kuwo Awood leh oo qalab Wanaagsan haysta, si ay Waajibkooda ugu Fuliyaan sidii la doonayay, loona xoojin lahaa Awooddooda dhanka sirdoonka.

Laba: In Qaybaha kala duwan oo hawl-galka ciidamada AMISOM ee Somalia ay noqdaan kuwo hawl-galkooda ay natiijo wanaagsan uga soo baxaan, taasoo Macnaheedu noqonayo in dib-u-habeyn lagu sameynayo Saldhigyada ay AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya, ayna Qaybaha oo dhan ay xiriir Wada-shaqeyneed u yeeshaan iyo in taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee AMISOM la isku bedelo, si hawl-galladu u noqdaan kuwo wax-tar leh.

Saddex: Waxaanu si joogto ah ula socon doonaa sida lagu Xoojin karo wada-shaqeynta ka dhexeysa ciidamadeena AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjire Smail Chergui oo khudbaddiisu ay ahayd mid dheer ayaa ka hadlay Xilliga ay Ciidanka AMISOM ka baxayaan Somalia, isagoo xusay inay taasi ku xiran tahay hadba sida ay Somalia isku-fillaasho u gaarto, gaar ahaan in dalku uu yeesho ciidan Awood leh oo Qalabeysan, isla markaana Amaanka Guud ee Soomaaliya Hanan kara; inta taas laga gaarayana ay AMISOM sii wadi doonto inay caawiso dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya