4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
IBRAAHIM KALIN: Turkigu mar walba Taageero ayuu la Garab-taagan yahay Dadka Soomaaliyeed


Arbaco, Feberaayo 24, 2016 (HOL) — Afhayeenka Madaxweyne  Turkiga, Recep Erdogan oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay ka go'an tahay Dowladda Turkiga inay mar walba Taageerto Dowladda iyo shacabka Somalia.

Ibrahim Kalin ayaa xusay in Turkiga uu Ganacsi Xooggan la leeyahay Waddamada Afrika, kaasoo uu sheegay inuu Xoogeystay wixii ka dambeeyay Sanadkii 1998-kii, haddana uu ku socdo dar-dar xooggan.

“Turkigu wuxuu Somalia ka billaabay bixinta gargaarka bani’aadamnimada sanadkii 2011-kii, Waxaanan sii Wadi doonnaa Taageerada aan siinno Soomaaliya,” ayuu Afhayeenku ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.

Sidoo kale, Kalin ayaa sheegay in Shirkii ka dhacay Magaalada Istanbuul Maalin ka hor ee looga Hadlay Ganacsiga ka dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo uu Xusay in lagu dhameystirayay iskaashiga dhanka ganacsiga ee labada waddan iyo sidii aanu u xoojin lahayn taageerada aan siinno Soomaaliya.

Afhayeenka, ayaa intaas ku daray in booqashadii uu Madaxweyne Recep Erdogan ku tagay Soomaaliya sanandkii 2011-kii oo Somalia ay ka jireen ammaan-darro iyo abaaro ay ahayd mid dib u soo celisay rajadii Somalia.

“Tan iyo sanadkii 2011-kii, Turkigu wuxuu dadaal Xooggan u galay sidii uu uga kaalmeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed waxyaabaha aasaasiga ah ee xilligaas ay u baahnaayeen, sida dhinacyada Ammaanka, Waxbarashada, dhismaha Waddooyinka, Dekedaha, Garoommada Diyaaradaha, hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda, kalluumeysiga iyo tamarta,” ayuu ku daray Ibrahim Kalin.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Marka la barbar-dhigo Soomaaliya sidii ay ahayd Sannadkii 2011-kii iyo Maanta, Waxaa Muuqata in Somalia ay haatan aad uga Wanaagsan tahay xaaladihii adkaa ee ay ku jirtay.”

Dhanka kale, Ibrahim Kalin ayaa xusay barnaamijyada dhakhaatiirta Turkiga ay ka wadaan Somalia, isagoo yiri. “Dhakhaatiirta Turkiga illaa maanta waxay ka wadaan Dalka Somalia bixinta Gar-gaarro caafimaad, kuwaasoo ay ka faa’iideysteen in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah.”

Afhayeenka madaxewynaha Turkiga ayaa war-saxaafadeedkiisaan ku xusay inuu gargaarka Bani’aadamnimo ee Turkigu siiyo Somalia uu gaaray hadda 500 Milyan oo Doollar, isagoo intaas ku daray in 40% Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin weli kuwo Taageero Aadamnimo u baahan.

Ugu dambeyn, Hadalka Afhayeenka Madaxweyne Erdogan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo QM ay sheegtay in qiyaastsii 857,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool ay haystaan Xilligaan Xaalado dhanka Nolosha ah; kuwaasoo u baahan taageero bani’aadamnimo oo deg-deg ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya