4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
Kooxda Barcelona oo 2-0 kaga badisay Arsenal kaddib Cayaar Adag oo Dhex-martay (SAWIRRO)

Arbaco, Feberaayo 24, 2016 (HOL) — Kooxda Barcelona ee Spain iyo kooxda Arsenal ee UK ka dhisan ayaa waxaa xalay dhex-martay cayaar ka mid ah Horyaalka Qaaradda Yurub ee loo yaqaano - UEFA Champions League - iyadoo Barcelona ay si Dirqi ah kaga Badisay Arsenal.

Cayaartan oo si aad ah looga sugayay caalamka oo dhan, ayaa waxay markii ay billaabatay labada koox soo bandhigeen ciyaar-wanaag, waxaana qaybtii hore ee Cayaarta lagu Nastay bar-barro 0-0 ah, inkatoo qaybtii labaad ay Barcelona u Suuro-gashay inay dhaliyaan Laba gool oo Midkood uu Rigoore ama Gool-ku-laad ahaa.

Inkastoo Cayaartoyda Kooxda Arsenal ay marar badan heshay fursado ay goolal ku dhalin kareen ayaa haddana uma suuro-gelin inay wax gool ah dhaliyaan, waxaana laga adkaaday 2 - 0 iyadoo cayaartaasna ay ka dhacaysay garoonkooda London.

Barcelona ayaa waxaa labada gool ee ay ku badiyeen Xalay u dhaliyay Lionel Messi oo ah laacibkooda, waxaana goolkii koowaad uu dhaliyay daqiiqaddii 72-aad, halka goolkii 2-aad oo Rigoore ahaana uu dhaliyay daqiiqado kaddib.

Guul-darradaan ayaa waxay kooxda Arsenal u ahayd mid aysan filayn, iyadoo ay mar kale labadan kooxood isaga horimaan doonaan cayaar kale oo ka dhicaysa Garoonka Barcelona ay ku leedahay dalka Spain.

Sidoo kale, Cayaarta soo socota ee labadaan Kooxood dhex-mari doonta ayaa ah mid adag, iyadoo kooxdii laga badiyay ay harayso, Waxaana Kooxda Arsenal oo xalay Garoonkeeda looga badiyay laga doonayo inay Goolal badan ku badiso, haddii kalena horyaallada EUFA way ka hari doontaa.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horeysay oo labadan kooxood ay cayaaro sidan oo kale ah ay isaga horyimaadaan, iyadoo dhowr jeer ay badisay Kooxda Arsenal, halka tiro kalena ay badisay Barcelona, waxaana cayaartii xalay laga daawanayay meelo badan oo Caalamka ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya