4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
SAWIRRO: Turkiga oo Shaaciyay inuu Xoojinayo Xiriirka Ganacsiga ee kala dhexeeya Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo 24, 2016 (HOL) — Xukuumadda Turkiga ayaa Shaacisay inay Xoojin doonto xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Soomaaliya, sidoo kalena ay sare u qaadi doonto maal-gashiga ay ku sameynayso Somalia.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa isagana dhankiisa xusay in dhawaan ay Muqdisho ka furi doonaan Isbitaal loogu adeegayo dhallaanka iyo Hooyooyinka gudaha Somalia ku Nool.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga, Lutfi Elvan oo ka Hadlayay Shirka Arrimaha Somalia ee shalay ka furmay Magaalada Istanbuul ayaa yiri. “Waxaa naga go’an inaan sare u qaadno Maal-gashiga uu Turkigu ku sameynayo Soomaaliya, kaasoo maraya xilligaan in ka badan Boqol Milyan oo Doollar.”

Sidoo kale, Lutfi Elvan ayaa Dalalka Caalamka ugu baaqay inay Maal-gashiyo kala duwan sameystaan Somalia, isagoo Xusay in Somalia uu ka dhacay is-bedel weyn, ayna ku socoto waddo nabadeed oo Mustaqbal leh.

RW Somalia, Cumar C/rashiid oo isaguna ka hadlay shirka ayaa sheegay inay Somalia soo dhaweynayso maal-gashiga ay Turkigu ku sameysanayaan Somalia, wuxuuna sheegay inuu dalka uu leeyahay kheyraad ku filan oo caalamka oo dhan ku filan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa wuxuu isaguna shirkaas ka yiri. “Magaalada Muqdisho waxaan ka dhisnay Safaarada ugu weyn Safaaradaha Caalamka aan ku leennahay, waxaa kaloo aan ka dhisnay Isbitaalka Isbitaalka Geeska Afrika oo dhan ugu weyn. Dhawaanna Waxaan ka Furaynaa Isbitaalka Carruurta iyo Hooyada Soomaaliyeed u adeegaya.’’

Ugu dambeyn, Somalia ayaa la sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka ay alaabihii ay u dhoofisay dalka Turkiga ay ku kacayso dhaqaale 71-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, iyadoo la filayo in sannadkan uu intaas ka xoogeysto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya