4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
Shirka ka socda Istanbuul ee Arrimaha Somalia looga Hadlayo oo lasoo Gaba-gabeynayo Maanta


Arbaco, Febraayo 24, 2016 (HOL) - Shirka kusaabsan Soomaaliya ee ka socda Istanbul, Turkiga ayaa maanta waxaa la filayaa inuu soo gabagaboobo . Shirkaan ayaa kaabaya shir sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa qiimeynta amuuraha siyaasada ee dalka Soomaaliya, ammaanka iyo dib u dhiska dalka. Maanta galinka dambe ayaa la filayaa in lasoo saari doono war murtiyeedkii shirka. Amuuraha lagu soo saari doono war murtiyeedka shirka ayaa waxaa ka mid ah qaabka doorashada dalka la filayo inay ka dhacdo sanadkaan 2016ka ay yeelan doonto.

Waxaa sidoo kale wada hadalada ka mid ahaa taageero dheeraad ah oo ay tahay in lasiiyo Soomaaliya si loo dhammaystiro arimaha amniga iyo dhisida kaabeyaasha dhaqaalaha. Shirka weyn waxaa barbar socda shirar yaryar oo isla arimaha Soomaaliya si gaar gaar ah loogu qaadaa dhigayay isla markaana heshiisyo laga soo saarayay.

Ilaa iyo hada ayaa heshiisyada la wada gaaray waxaa ka mid ah heshiis dhanka tamarta ah oo ay wada gaareen Turkiga iyo Soomaaliya. Soomaaliya ayaa ah dal kasoo kabanaya colaado muddo dheer qaatay oo soo bilaabmay sanadkii 1991.  

Xafiiska Wararka Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya