4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2016
MAREYKANKA: Codbixinta Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga uga Qayb-galaya Doorashada Guud


Arbaco, Febraayo 24, 2016 (HOL) -
Cod-bixintaas oo Tijaabo ah ayaa Waxay ka socotaa hadda marka gobolka Navada, kaasoo dadka u badan ee ku nool ay yihiin kuwo kasoo jeeda qowmiyada loo yaqaan HISPANIC. Gobolkan ayaa muhiimad gaar ah leh; isla markaana ay ku badan yihiin Dadweynaha soo galootiga ah ee kasoo gala Mareykanka dhanka Waddanka Mexico.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hareereeyay loolanka hadalo ka dhanka ah dadka soo galootiga ah ee HISPANIga ah.

Loolanka ayaa ilaa iyo hada u socda si habsami ah waxaana la soo gabagabayn doonaa xilli dambe oo waqtiga Mareykanka ah maanta. Waxaa aad loogu badinayaa in maal-qabeenka Donald Trump uu ku guuleysan doono. Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad ula loolamaya Ted Cruz iyo Michael J. Rubio.

Gobolkaan Navda ayaa waxaa doorashadaan tijaabada ah ee u dhexeysa Xisbiga Jamhuurigu waxay tijaabo u tahay cida ugu codad badnaan karta murashaxiinta in lagu ogaado. Maalinta 1da Maarso ayaa waxaa codeyn doona ilaa 11 kale oo gobol codeeyeyaasha ku nool. Inta aan waqtigaa la gaarin ayaa xisbiga Dimoqraadiga waxaa isna la filayaa inuu doorasho caynkaan ah oo tijaabo ah uu ku qabto gobolka South Carolina.

Xafiiska Wararka - Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya