4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
SAWIRRO: Shirkada Telesom oo Xariga ka jartay Mashaariic ay LAASCAANOOD ka Hir-gelisay

Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Maanta Xarigga ka jartay laba mashruuc oo kala ah; Waddo ay ka Hirgalay Laascaanood iyo Dhisme ay ku kordhisay dugsiga Muuse Yuusuf ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Xafladda Xarigga looga jarayay Mashaariicda Shirkaddu Hir-gelisay ayaa ka kala dhacday Goobihii laga hirgaliyay, waxaana ka Qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo shirkada iyo maamulka degmada ka kala socday.

Ugu horrreyn; Xafladda Xarigga looga jarayay Waddo dhowr KM ahayd ayaa lagu Qabtay Xarunta Shirkadda Telesom ee Laascaanood, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xog-hayaha fulinta Dowladda Hoose ee Laascaanood, Xildhibaanno ka tirsan Degmada iyo Maaamulka Shirkadda.

Goobta waxaa ka hadlay Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Magaalada Laascaanood, Cabdi Khayre Dirir oo shirkadda Telesom uga mahad-naqay dhismaha waddada. Waxaana intaas kaddib Xafladda ka Hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax oo Xildhibaanadda Golaha Degmada Laascaanood ka tirsan, isagoo Shirkada Telesom ku ammaanay waddada ka hirgalisay Degmada, isagoo dhanka kale ugu baaqay Bulshada ku dhaqan Laascaanood, inay ka shaqeeyaan Nadaafadda Magaalada.

Maamulaha Waaxda Xiriirka Dad-weynaha ee Shirkadda Telesom, Maxamed Cabdi Darbo ayaa isna ka Warbixiyay Kaalinta Telesom ay kaga jirto horumarka ka socota dalka, isagoo sheegay inay Sannadkii dhammaaday ee 2015-ka ay gobolka Sool ka Hirgalisay mashaariic ku kacay dhaqaale dhan $82,000, Isagoo ballan-qaaday in Shirkadda Telesom ay mar kasta u heelan tahay inay bulshadadeeda wax kala qabato baahiyaha danta guud ah.

Darbo ayaa hadalkiisa raaciyay in Shirkadda Telesom ay leeyihiin Dad badan oo Soomaali ah oo qaar badan oo ka mid ahi ay kasoo jeeda Degmooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle oo ka tirsran Deegaannada ay ka Hawl-galaan.

Waxaa kaloo xafladdda ka hadlay, Maamulaha Xarunta Shirkadda Telesom ay ku leedahay degmada Laascaanood C/risaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) ayaa xusay inay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin inay bulshadda deegaanka dib ugu celiso faa’iidadii Shirkaddu ka heshay wax ka mid ah.

Mas’uulka ayaa Xusay in maanta codsi ay u soo gudbiyeen maamulka Dowladda Hoose ay isla markiiba ka Jawaabeen, taasoo ahayd inay Dawladda Hoose wax kala qabtaan howlaha dib u dhiska Magaalada Laascaanood.

Dhanka kale, Xaflad kale oo iyana xarigga looga jarayay dhismaha Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf lagu kordhiyay, ayaa lagu qabtay isla degmada Laascaanood, waxaana ugu horreyn ka hadlay, Maamulaha Iskuulka, C/llaahi Axmed Faarax (Aflahaar) oo Shirkadda Telesom uga mahad-naqay dhismaha ay ku kordhisay dugsigan oo uu sheegay inuu muhiimad weyn u leeyahay Iskuulka, waxaana maamuluhu hadalkiisa ku daray in Iskuulkaan ay dhigtaan in ka badan 1,000 arday, kuwaasoo intooda badan isticmaala adeegyadda Shirkadda Telesom.

UGu dambeyna, Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa Muddooyinkii ay Gobolka Sool ka Hawl-galaysay waxay ka Qayb-qaadatay Hawlaha Horumarineed ee Magaalada ka socday iyo weliba soo celinta bilicdeeda.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool