4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
RAILA ODINGA: Hubka ay Ciidammada Kenya ee KDF-tu Isticmaalaan Ma ahan kuwo Casri ah


Talaado, Febraayo 23, 2016 (HOL)-Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Kenya ee
CORD Raila Odinga ayaa sheegay in hubka ciidamada Kenya ee KDF oo tayo xun dartii ay keentay in bishii lasoo dhaafay ee Janaayo weerarkii Ceel Cadde ay tirada dhimashadoodu badatay.

Waxay ahayd 15kii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo markii maleeshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen xero ciidamada Kenya ee militariaga ah ee KDF ay kulahaayeen Ceel Cadde, Gedo Soomaaliya halkaas oo la sheegay in ciidamo badan oo KDF katirsan ay halkaa ku wafaadeen .

Mr. Raila Odinga ayaa intaa ku daray in ciidamada KDF hubka ay heystaan uusan casri ahayn waa sida aanu ka soo xiganay maqaal kusoo baxay bogga wararka ee Wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi, Kenya.

Waxaa muhiim ah dawladu inay ciidamadeena Soomaaliya jooga qalabeyso,” sidaa waxaa yiri Mr. Raila Odinga asagoo ka hadlayay dagmada Ugunja halkaas oo lagu aasayay askari katirsanaa KDF.

Raila ayaa dawlada ka dalbaday inay shaaca ka qaado tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarkii Ceel Cadde maadaama arintaas oo aan weli la ogaan ay walwal ku riday xubnaha qoysaska Kenyanka ah ee arintaasi ay saameysay.

Mucaaradka Kenya ayaa ka codsaday dawlada Kenya inay la timaado istaraatiijiyad ay KDF uga soo saarto Soomaaliya maadaama waajibaadkooda ugu weyn uu ahaa inay qabtaan dakada magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka, Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya