4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
Somaliland oo ka hadashay sababta ay uga Qayb-geli Wayday Shirka Somalia uga furmay Turkiga


Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa Maanta Waxay ka hadashay shirkii ganacsiga Soomaaliya uga furmay dalka Turkiga, isla markaana sheegtay in shirkaasi aanu khuseyn Somaliland, balse uu u gaar yahay Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaasi aanay ka qaybgalin, isla markaana uu gaar u ahaa Soomaaliya.

“Sababta aanu uga Qayb-geli waynay waxa weeye annaga Somaliland baa la na yidhaahda, waxaana hore u cadeynay muddo laga joogo shan iyo labaatan sanno laga joogo in Somalia ka madax-bannaan nahay oo aanu Somalinad nahay,, Waana sababta aanu u leenahay nama khuseeyo shirarka Soomaalia loo qabanayo”ayuu yiri Axmed Kayse oo Sharraxaya sababta ay shirkaas uga maqnaatay Somaliland.

Isagoo mar kale yiri. “Haddii qaadhaanbixiyeyaashu shirarka  u qabanayaan  ay doonayaan inay xaga horumarka, nabadgalyadda  iyo arrimaha siyaasadda loo qabto  labadda dal isku heer ma joogaan, haddaad eegto Xagga horumarka, bulshadda iyo nabadgalyadda isku heer kama taagna waana sababta u doonayno inay waxeenu noo gaar noqdaa, waayo Somaliland Waxay leedahay Qorshe Horumarineed oo  Qaran oo  ku jooga Sannadka 2030-ka; Wixii la Qabanayay oo dhan way u Qorshaysan tahay, Sida u kala Mudan yihiin, marka Somaliland kama soo Qayb-galin horana ugama aanan qayb-gelin qayb-galin shirar Somalia loo qabtay mana doonayno in hawlaha Somalia loo Qabanayo ku dhex-milanno, marka mawqifkayagu wuu cad yahay shirkana waxa loo qabanayaa Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, Wasir ku xigeenku wuxuu hadalkiisaan yiri. Dal ahaan nala guma casuumin shirkaa, isla markaana nama khuseeyo shirkaas, lamana mid nihin maamullada Soomaaliya ka jira.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland