4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
WASIIR CADAANI: Mucaaradka Maanta Waxaan u Sheegaynaa in Wararkooda aanu Baahin doonno


Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) —  Cismaan C/llaahi Saxardiid [Cadaani] oo Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Somaliland ah ayaa Maanta sheegay in loo fasixi doono Warbaahinta Qaranka Wararka iyo Barnaamijyada ay wataan Xisbiyada Mucaaradka.

Hadalkan ayuu Wasiir Caddaani ka sheegay Xafladii uu Xilka ugala Wareegayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, C/llaahi Maxamed Daahir [Cukuse] oo loo Magacaabay in uu wasiir ka noqdo Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland.

“Xisbiyada mucaaradka ah saxaafada wasaarada warfaafinta ee dawladu way u adeegaysaa waanay u shaqaynaysaa waxii maanta ka danbeeya, waayo waxaan nahay dal dimuqraadiya hadaynu Dimuqraadi nahayna, haday iyagu soo dieran waayaan Wararka Aniguna ku qasbi maayo balse haday waxooda soo dirtaan waa balan waan sii daynaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cadaani.

Isagoo intaa ku daray. “Waxaan leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ahoow Saxaafada Halkan Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda wax baad ku leedihiin, sidoo loogu tallo galay ayaan u wadaynaa inkastoo ay haysato shuruucda iyo nidaamka hadana idinku waxba kama aadan duwanadiin, soona dirsada Wararkiina, Saxaafadda Warfaafintuna waa qayb idinka mid ah waanan soo daynaynaa anagu Insha ALLAAH.”

Si kastaba ha ahaatee, wararka iyo barnaamijyadda ay leeyihiin Xisbiyadda Mucaaradku ee ay ku naqdiyeyaan Xukuumadda Somaliland ayaan Warbaahinta dowladdu maamusho laga sii deyn, marka laga reebo Waqtigaas ololaha oo guddida Doorashooyinku usoo sameeyaan jad-wal Saddexda Xisbi looga sii deyn karo Olalahoodu, Laakiinse inta badan Warbaahintu Dowladdu Maamusho lagama ogolo in dhaliisha Xukuumadda laga baahiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland