4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
SAWIRRO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka OHIO oo yeeshay kulan 4.5-ka lagu diidan yahay

Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Columbus, Ohio ee Waddanka Maraykanka ku nool ayaa waxay yeesheen kulan lagu diiddan yahay sii jiritaanka Nidaamka 4.5-ka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa soo Abaabushay Dallada - Somali American Leadership Council oo fadhigeedu yahay Gobolka Ohio. Iyadoo inta badan xubnihii kulanka ka hadlay ay ku xeel-dheeraadeen in shacabka Soomaaliyeed ay in ka badan 14-sano kusoo jireen nidaamka 4.5-ka oo ah mid kala sarreysiinaya awoodaha iyo weliba jiritaanka Bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho ay dagaallo ragaadiyeen.

Mas’uuliyiintii ka hadlay kulankan, ayaa si cod-dheer ah u Cambaareeyay madaxda Beesha caalamka oo ay tilmaameen inay diidan yihiin inay Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto maadaama ay ogolaadeen inuu Soomaaliya kusii jiro nidaam aan Sharciga iyo dhaqanka ay Soomaalidu leedahayba aan midkoodna Waafaqsaneyn.

Sidoo kale, Xubnahaan ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyeed in Shacabka ay u turaan, isla markaana bad-baadiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo u horseedaya nidaam cadaalad ku salaysan, kana saara cadaalad-darrada.

Waxay kaloo Dhaliil dusha uga Tuureen u Qaybsanaha QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating oo ay ku Tilmaameen Ruux aan Aqoon badan u lahayn Arrimaha Soomaaliya, isla markaana ku deg-degay go'aan ka gaarista Hanaanka Doorashooyinka Somalia ka dhacaya sannadkan 2016-ka iyo sida loo Wajahayo.

Dhanka kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay Halku-dhigyo Nidaamka 4.5-ka ka dhan ah iyo weliba mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somalia.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay madaxda Soomaalidu ku kala Aragti duwan yihiin Qaabka loo Wajahayo Dhismaha Dowladda Cusub ee Somalia ay yeelanayso sannadkan, taasoo is-jiid-jiid ballaaran ka muuqanayo.

Deeqo Yuusuf Shire (SONNA)
E-mail:
[email protected]
Columbus, Ohio, Mareykanka