4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
Biyo Yaraan Ba'an oo Kajirta Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab

Talaado, Febraayo 23, 2016 (HOL)-Ayadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka soconayo shirweyne looga hadlayo sidii dadka ku nool qaaradan Afrika ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo habboon ayaa hadana waxaa wararka naga soo gaaraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab ee kuyaala Waqooyi-bari Kenya ay sheegayaan in biyo la'aan ba'an ay ka jirto xerayahaas gaar ahaa xerada Kaambi Caws.

Cidaha ayaa waxaa la sheegay inay safaf dhaadheer u galaan biyo balse maalintii oo dhan ay heli karaan hal ama labo caag oo biyo ah. Biyo yaraantaas ayaa waxaa u sabab ah matooradii biyaha soo saari jiray oo in badan oo ka mid ah ay halaabeen. Waqtigaan ayaa sidoo kale kuleyle ah isla markaana biyuhu ay fogaadaan sidaa daraadeedna ay dhib ku noqotaa matoorada biyuhu inay soo saaraan biyo dadka kufilan.

Dhanka kale QM ayaa waxay dhintay shidaalkii ay siin jirtay shaqaalaha matoorada biyaha ka shaqeeya ee xeryaha Dadaab 25% taasoo keentay in shidaal ku filan matooradaasi aysan helin.Arintaas ayaa sidoo kale qeyb ka noqotay sababaha ay biyo yaraantu haatan u jirto.

Dhowr todobaad ayaa haatan ay biyo yaraantu ka jirtaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab. Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale hayada QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay dhintay raashinkii ay siin jirtay qaxootiga ku nool xeryaha Dadaab oo u badan Soomaali. Sidaa daraadeed ayaa qaxooti badan oo Soomaaliyeed waxay go'aansadeen in ay dalkoodii Soomaaliya dib ay ugu noqdaan oo beerahoodii ay qotaan.

Xafiiska Wararka, Hiiraan Online

Magaalada Nairobi, Kenya.