4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
FAAHFAAHIN: Dagaalkii Al-shabaab & Ciidanka Itoobiya ku dhexmaray Gob. Shabeellada Hoose


Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib dagaal culus oo ciidan ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab shalay ku dhex-maray deegaanka Yaaq-bari-weyne ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Iska-horimaadkan oo qarxay kaddib markii Xoogagga Al-shabaab ay Weerar Gaadmo ah la beegsadeen Kolonyo Gaadiid ah oo Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay wateen, kuwaasoo la sheegay inay kusii socdeen degmada Baydhabo Gobolka Bay.

Ciidankii Itoobiya ayaa la sheegay inay maanta halkoodii kasii wateen safarkii ay ku jireen Xilligii uu Weerarku qabsanayay shalay, iyadoo Xoogaggii Al-shabaab ee Dagaalka qaybta ka ahaanna aan la ogeyn goob ay aadeen.

Xarakada Al-shabaab oo Weerarkaan ka hadashay ayaa sheegtay in weerarkan ay dhowr ka mid ah gaadiidkii ciidanka Itoobiya ku gubeen, inkastoo aysan weli ciidamada Itoobiya iyo taliska AMISOM ee ay ka tirsan yihiin aysan ka hadin dagaalkan.

Sidoo kale, Goob-joogayaal deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ku sugnaa ayaa Saxaafadda Qaarkeed u sheegay in Dagaalku uu socday Muddo Saacado ah, isla markaana uu ahaa mid aad culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

“Haatan; Xaaladda deegaanku way deggen tahay, Ciidamadii Itoobiya Safarkoodii ayay sii awteen maanta, Xoogaggii Al-shabaab ee la Dagaallamayna ma garanayno meel ay aadeen, cabsi badan ayay shacabka deegaanku qabteen intii dagaalku socday,” ayuu yiri qof ka mid ah shacabka ku nool Yaaq-bari-weyne oo Warbaahinta la hadlay.

Ugu dambeyn, ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya  oo ay caawiyaan ayaan weli ka hadlin dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay, Sidoo kalena lama oga 11-qof ee dagaalka ku dhintay sida ay uga kala dhinteen labada dhinac ee dagaalamay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya