4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
WARBIXIN: Hay’ado Kuwa Sama-falka ah oo ka digay Khatar Caafimaad oo ku Wajahan Somalia


Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 1.5-milyan ruux oo Soomaali ah ayaan helin Daryeel Caafimaad labadii sano ee u dambeeyay, sidoo kalena in ka badan 10-isbitaal oo Somalia ku yaalla ayaa qarka u saaran inay gabi ahaan joojiyaan Hawlaha Caafimaad ee ay bulshada u hayaan, kaddib markii ay xuseen inaysan haysan dawooyin ku filan oo ay ku bixin karaan daryeel caafimaad, sida ay sheegeen hay’ado gargaar oo caalami ah.

Hay’adahaan Caalamiga ah ayaa sheegay, in Tirada Soomaalida ah ee aan helin Daryeelka caafimaad sannadihii u dambeeyay ayaa waxaa ku jira 300,0000 oo ah carruur ay da’doodu ka yar tahay shan sano, kuwaasoo aan helin Talaallada looga hor-tago Cudurrada halista ah ee carruur sida ba’an u laaya, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Jadeecada iyo shubanka.

Sidoo kale, Hay’adahan Samafal ayaa Warbixintooda ku sheegay in saddex-meelood - laba meel aanay helin Deeqihii Caalamiga ahaa ee wax looga qaban lahaa Xaaladaha Caafimaad ee ka jira Soomaaliya, iyagoo intaa ku daray in sannadkii hore ee 2015-ka illaa 2011-kii ay soo gaartay 29-milyan oo Doollar halkii ay ka filayeen $72 Milyan oo Doollar.

“Xaaladda Caafimaad ee Somalia waa mid Xilligaan qarka u saaran Khatar,” ayuu sheegay C/raxmaan Shariif oo ah Madaxa NGO Maxalli ah oo Somalia ka hawlgasha, taasoo wada-Shaqeyni ay kala Dhexeyso Hay’ado Samafal oo Caalami ah oo ay ka mid yihiin; Save the Children iyo NRC.

Dalka Somalia, ayaa waxaa soo maray colaado saameyn Xooggan ku yeeshay Gabi ahaan Adeegyadii Caafimaadka dalka, iyadoo intii dalku uu Colaadda ku jiray ay isbitaallada iyo goobaha kale ee caafimaadka caawinayeen hay’adaha samafal oo caalami ah.

“Hay’adaha caalamiga ah dhibaato weyn ayay ku noqon kartaa inay hannaanka Caafimaad ee Somalia wax ka qabtaan, waayo gacantii laga heli jiray wadamada deeqaha bixiya ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac weyn,” ayuu Shariif hadalkiisa ku daray.

C/raxmaan Shariif ayaa intaas ku daray in isbitaallada degmooyinka Gaalkacyo iyo Jowhar ay qarka u saaran yihiin in la xiro, sababtoo ah buu yiri ma haystaan dawooyin iyo qalab ku filan oo ay bulshadooda ugu adeegaan.

Abaarihii iyo colaadihii u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shbaaab ee ka dhacay Somalia Sanadkii 2011-kii oo ay 260,000 oo ruux ku naf-waayeen - kuwaasoo dhaawac weyn u gaarsiiyay adeegyadii bulshada oo dhan.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ugu khatarta badan oo ay ka Hawl-galaan Shaqaalaha Hay’adaha Caalamiga ah, iyadoo sannadkii sannadkii 2015-kii oo keliya lagu dilay 17 shaqaalaha samafalka ah.

Ugu dambeyn, hay’ada MSF oo ahayd hay’addii dhinaca gargaarka caafimaadka ka caawin jirtay Somalia ayna u shaqeynayeen 1,500 oo Ruux, isla markaana 20 Xaruumood oo kuwa Caafimaad ah ku lahayd Soomaaliya ayaa ka baxday Sannadkii 2013-kii, kaddib markii loo hanjabay.

Gunaanadkii hadalkiisa ayuu C/raxmaan Shariif ku sheegay in hay’adihii kale ee ka Hawl-galayay Dalka tan iyo xilligaas ay aad ugu dhibtoodeen inay buuxiyaan kaalintii Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduuddda lahayn ee MSF ay banneysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya