4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
DAAWO: Gobolka Minnesota oo si weyn looga Xusay Maalinta Afkeenna HOOYO (SAWIRRO)

Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Iyadoo Somalia iyo Dalal kale oo Dunida ku yaalla laga Xusayo Maalinta Afka Hooyo ee Soomaaliya, ayaa Soomaalida ku Dhaqan Minnesota waxay Sannadkan qabteen xuskoodii 9-aad oo ay ku xusayaan Afka Hooyo ee Soomaaliga, kaasoo ay soo Qaban-qaabiso Meertada AFKA iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo ah Gole ay ku midoobeen Qurbo-joogta ku Nool Gobolka Minnesota.

Maalinta Calaamiga ah ee Afafka Caalamka oo uu ku jiro Afkeenna Hooyo ayaa la qabtaa sannad walba 21-ka Febaraayo, waxaana ka sheekeeyay sababta loo xuso Macallin Siciid Axmed Saalax oo sheegay inay tahay sababta loo xusayo; kaddib markii Sannadkii 1952-kii Dalka Bangladesh ay arday dalkaas u dhashay dibad-bax u dhigeen in Afkooda Hooyo iskuullada wax loogu dhigo, iyadoo dhacdadaas ay ku naf-waayeen Afar arday, Taasoo uu Caalamku ka qayliyay; kaddibna ay QM u Aqoonsatay Maalin Caalamiga ah ee AFAFKA Hooyo la Xuso.

Inj. Cabdi Saleebaan oo ka mid ah Meertada Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegtay inay Muhiim tahay inay waaliddiinta Soomaaliyeed Carruurtooda baaraan Luuqaddooda, dadaal dheeri ahna - ay Siiyaan sidii ay carruurta guryaha ugu bari lahaayeen Afkooda Hooyo.

Sidoo kale, Inj. Saleebaan ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku koray, gaar ahaan Gobolka Minnesota uu Jah-wareer badan ka haysto sidii  ay Afkooda ugu hadli lahaayeen, waxaana taas sabab u ah ayuu yiri, inaysan Aqoon Af-Soomaaliga.

DAAWO: Munaasabadii lagu Xuska Afka Hooyo ee lagu qabtay Gobolka Minnesota;

“Dadku waxay kuwada hadlaan ama hidaha & dhaqankooda isugu gudbiyaan waa luuqada ay kuwada hadlaan, Haddii aadan Afkaaga Hooyo ku hadlina; kama mid tihid Bulshada ku abtirsada luuqadaada ama Afkaaga Hooyo ee Soomaaliga,” ayuu yiri Inj. Cabdi Saleebaan.

Waxaa kaloo isna Xuska ka hadlay, C/raxmaan Mukhtaar oo Meertada Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo soo saara Wargeys kusoo baxa Af-Soomaaliga oo lagu daabaco Gobolka Minnesota, wuxuuna dhallinyaradii xafladda ku sugnayd ku Dhiirri-geliyay, Horumarinta iyo ilaalinta Afka Hooyo ee Soomaaliga. Isagoo intaas ku daray inay tahay Mas’uuliyad iyo Waajib Wada-saaran Ummadda Soomaaliyeed oo dhan sidii ay ugu hiillin lahaayeen Afkooda Hooyo. Hase yeeshee Mas’uuliyad Qaybteeda Koowaad la Rabo inay qaataan da’yarta. Wuxuuna Gunaanadkii Hadalkiisa ugu sheegay Dhallinyaradii xuska joogtay in ay tahay lama huraan in ay bartaan sida loo Qoro, loona Akhriyo Af-Soomaaliga xoogga saaraan.

Dhanka kale, Xafladdaan lagu Xusayay Maalinta Afka HOOYO oo Hal-ku-dhiggeedu ahaa (U HIILLI AFKA HOOYO) ayaa waxaa lagu soo bandhigay lagu soo bandhigay suugaanta iyo gabayada Soomaalida; Waxaana Abwaannadii xuska suugaanta kusoo bandhigay xuska ka mida ahaa; Cismaan Ducaale, C/llaahi Xasan Ganeey, Sahra Cumar Dhuule iyo Qalanjo Ciise, kuwaas oo ka mid ah Fannaaniinta iyo Abwaannada Soomaaliyeed ee Minnesota ku dhaqan.

Ugu dambeyn, C/xakiin Br oo ah qoraa, jilaa iyo majaajileste Soomaaliyee ayaa yiri. “Af-qalaad Aqoontu ma ahan” ee waa in aan Carruurteena barnaa Afkooda Hooyo. Wuxuuna dadkii kasoo Qayb-galay munaasabaddan ugu deeqay Warqad sawir leh oo aad u qurxoon oo ay ku Qoranayd BTJ-da Soomaaliyeey oo uu isagu soo saaray. Cabdixakiin Br ayaa ku mashquulsanaa maalmahan Wacyi-gelinta Afka Hooyo iyo Maaweelada Carruurta.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota