4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
Xog-hayaha Guud ee QM oo Booqanaya Markiisii ugu Horreysay Dalka Burundi (Daawo SAWIRO)

Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa booqashadii ugu horreysay ku tagay Caasimadda Dalka Burundi ee Bujumbura, iyadoo Waddankaan ay ka taagnaayeen Colaado tan iyo Abriil Sannadkii hore, kuwaasoo lagu dilay boqolaal qof.

Booqashada Ban Ki-Moon ayaa salka ku haysa sidii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ugala hadli lahaa dagaallad aiyo deggenaasho la’aanta ka jirta dalkas tan iyo sanadkii hore, iyadoo lagu wado in kulammadooda ay go'aanno kasoo saaraan Talaadada Maanta ah.

Madaxweynaha Burundi oo horay uga Dhego-adaygay in dalkiisa la geeyo ciidamo Nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika ayaan si dhab ah loo ogeyn in Ban iyo isaga ay isku soo qaadeen arrinta ciidamada Midowga Afrika ee dalka Burundi la doonayo in la geeyo.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inuu booqashada Burundi kaddib safar ku tago DR Congo, halkaasoo uu kulan kula yeelan doono Hoggaamiyeyaasha Xukuumadda Kinsasha.

Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa lagu wadaa inuu Booqdo Toddobaadkan Magaalada Juba ee caasimadda South Sudan, isagoo la kulmi doona Madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore 2015-kii, ayaa waxaa Burundi ka dhacayay colaado dhiig badan ay ku daateen, kuwaasoo ka dhashay go'aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu markii Saddexaad Xilka u tar-tami doono, taasoo ay Mucaaradku ku tilmaameen mid jabinaysa dastuurka.

Nkurunziza ayaa isagana dhankiisa diiday dalabka mucaaradka, waxaana loo doortay Xilka markii Saddexaad Bishii July ee sannadkii hore, inkastoo ay ka carareen dalkaas intii jireen xiisadaha; suxufiyiin, shacab iyo xubno mucaarad ah.

Ugu dambeyn, Dalka Burundi oo ay ciidammo nabad-ilaalin ah kaga sugan yihiin Somalia ayaa Wuxuu Muuqdaa mid Qarka u Saaran Dagaallo sokeeye, iyadoo uu Dalkaas dagaalkii sokeeye ee muddada socday ka baxay sannadkii 2005-tii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya