4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
Daah-furka BUUG loogu Magac-daray ELUSIVE JANNAH oo Minnesota lagu Qabtay (SAWIRRO)

Talaado, Feberaayo 23, 2016 (HOL) — Magaalada Minneapolis, Minnesota ayaa Waxaa lagu daah-furay buug cusub oo lagu magcaabo "Elusive Jannah: The Somali Diaspora and a Borderless Muslim Identity," oo Af-Soomaaliga ay ugu dhowdahay "Humaag Janno: Soomaalida qurbo-joogta ah iyo Muslimnimadooda Xuduudaha ula talowday."

Buuggaan ayaa Waxaa Qortay Prof. Cawo M. Cabdi oo Jaamacadda Minnesota Bare ka ah; Iydoo Buuggeedaan uu kaga hadlayo marxaladaha dhoofka ay ku jirtay Soomaalidu tan iyo sannadahii 1970-meeyadii illaa maanta. Iyadoo Cawo Cabdi ay u qaybisay buugga saddex qaybood oo mid waliba kaga qortay Soomaalida Qurba-joogta ah iyo waxa xaalkooda ku sugan yahay.

Saddexda Qaybood ee ay isha gaarka ah saartay, Waa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Koonfur Afrika iyo dalka Maraykanka. Waxaana deraasaddu kusoo Biyo-shubanaysaa sida ay Soomaalidu ugu jirto marxalad Janno raadis ah Laakiinse dhalanteed sii durkaya uun ay la kulmaan, taasoo macnaheedu yahay, marka Soomaalidu waddan tagaan oo ay u eg-tahay inay degeen ayaa waxaa u sii muuqda humaag kale, illeen wuxuun bay tebeyaane.

Sidoo kale, Mar ay Cawo Cabdi ka Hadlaysay Kulankii Daah-furka Buugga oo ay Su’aalo Weydiinaysay Sahro Nuur oo ku Saabsanaa Halka ay kasoo billaabatay Dhoofka ayay ku sheekaysay xilligii dalalka Khaliijka loo dhoof tagi jiray; dadka kasoo noqdana loogu yeeri jiray Jannaalayaal.

Cawo Buugeeda waxay uga Warramaysaa Hamiga ama Sawirka u Muuqday qofka markuu dhoof-doonka yahay, waxayaalaha iyo shaqooyinka ay la kulmeen dadkii soo dhoofay.

Ugu dambeyn, Buuggu waxuu kaloo tabanayaa khataraha ay dadku u soo maraan dhoofka ay ku doonayaan inay nolol ku helaan.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota