4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2016
Dowladda Kenya oo laga dalbaday in ay sharaxaad ka bixiso Dhacdadii Sebtida

 

 

Talaado, Febraayo 23, 2016 (HOL)-Dowladda Soomaaliya waxay nasiib darro ku tilmaamtay in qaar ka mid wafdigii dowladda lagu xanibay garoonka Jomo Kenyatta Sabtidii lasoo dhaafay ayagoo halkaa safar kusii marayay kuna sii jeeday dalkaasi Turkiga oo ay uga qeybgalayaan shir.

 Dowladda Soomaaliya waxay nasiib darro ku tilmaamtay in qaar ka mid waftigii dowladda, oo ay ku jiraan afar xildhibaan lagu celiyey garoonka, taasi oo dib u dhac ku keentay safarkooda ay kutagayeen Istanbul Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay kaloo sheegtay in heshiiska kala dhaxeeya Kenya uu yahay in diyaradaha sida madaxda dowladda aysan aad ugu hakan magaalada Nairobi, si la mid ah kuwa shacabka. Ayada oo la eegayo heshiiskan, ayey tiri dowladda, xildhibaanada waxay dal ku gal qaadan karaan marka ay yimaadaan garoonka, sidaa darteedna ma ahayn in la xanibo. Dowladdu waxay sheegtay inay cudur daar buuxa iyo sharaxaad ka fileyso dowladda Kenya inay ka bixiso sababta ay arrinta u dhacday.

Dawladda Kneya weli si rasmi ah ugama hadlin dhacadada. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kneyatta ayaa warbaahinta waddankaasi u sheegay in dhacdadani ay la xiriirtay “ku xadgudub borotokool” sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa warbaahinta Kenya ay qortay in diyaaradda Ra’iisul Wasaaraha aysan soo marin magaalada Wajeer oo lagu baadhi lahaa, hase yeeshee dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay heshiis la gaadhay Kenya in madaxda dawladda aysan soo marin Wajeer.