4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
SAWIRRO: Xaflad soo dhaweyn ah oo Minnesota loogu Qabtay Agaasimaha guud ee Isbital Madina

 

 

 

Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) —  Casho-sharaf lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Isla markaana ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ee Muqdisho Prof. Maxamed Yuusuf Xasan ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee MN, iyadoo Xafladdaan ay soo Buux-dhaafiyeen Qaybaha kala duwan ee Dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo aad ula dhacsanaa howsha uu Dr Maxamed Yuusuf uu kawado Gudaha Somalia.

Dr. Maxamed Yuusuf Xasan ayaa Casuumaad ka helay Isbitaalka Weyn ee Mayo Clinic ee Magaalada Rochestar, kaasoo la filayo inuu Qalabka Caafimaadka ka Caawiyo Isbitaallada ku yaalla Gudaha Somalia, gaar ahaan isbitaalka Madiina Waxaa sidoo kale Dr. Yuusuf la guddoonsiiyey Shahaado sharaf iyo Abaal-marino muhiim ah.

Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo shahaado Sharaf guddoonsiiyay Prof Maxamed Yuusuf ayaa wuxu tilmaamay in uu mudan yahay in Shahaado-sharaf la siiyo, isagoo ku Ammaanay Howsha Culus uu ka hayo Somalia, isgaoo intaas ku daray in Qurbo-joogta Soomaaliyeed ay Muhiim tahay inay ka Qayb-qaataan dib-u-dhiska Waddankooda Soomaaliya.

Cumar Yuusuf Nuur oo isna ka mid ah Hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Rocherster, qaybna ka ahaa marti-sharaftii munaasabadda kasoo qaybgalay ayaa sheegay in Dr. Maxamed Yuusuf uu mudan yahay in taallo lagu xusuusto loo dhiso, Wuxuuna Tusaale u soo qaatay Waqtigii adkaa ee uu Dalka ka Shaqeynayay, isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday in la Garab-istaago Prof. Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, Dr. C/qaadir ismaaciil Shire oo ku magac dheer [Dr Daaci] oo isna ka mid ahaa dadkii xafladda ku sugnaa ayaa sharxay Fursadaha u banaan Jaaliyada Soomaalida iyo sida ay ugu Qayb-qaadan karaan Dib-u-dhiska Somalia, Wuxuuna Dr. Daaci intaas Raaciyay in haddii la tageero Dr Maxamed Yuusuf uu hawlo intaan ka Wanaagsan ka qaban karo dalka.

Madaxa ururka haweenka WAANO, Cudbi Cumar oo iyana ka mid ahayd Guddiga Qaban-Qaabada Xafladda ayaa u Mahad-celisay Guud ahaan Dadkii ka soo Qayb-galay Xafladda, Waxayna halkaas kusoo Bandhigtay Documentary Muhiim ah oo ka Hadlaya Waxqabadka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho iyo Dr. Maxamed Yuusuf.

Dhanka kale, Poul Marino oo Dadweynaha Soomaaliyeed u yaqaanaan Geeddi oo Kaaliye Caafimaad ka ahaa Soomaaliya Sannadihii 1980-meeyadii, Haddana ku dhaqan Minnesota ayaa aad u soo Dhaweeyeey Dr. Maxamed Yuusuf Xasan iyo Waftigiisa; isagoo ka Hadlay xilligii uu Soomaaliya ka hawlgalayay iyo sida uu Af Soomaaliga u bartay una jecel yahay.

Gaba-gabadii, Waxaa xaflada ka hadlay, Prof. Maxamed Yuusuf Xasan isagoo ugu horreyn ka mahad-celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay, intaas kaddib wuxuu ka hadlay Marxaladihii kala duwanaa ee Somalia ay soo maray, Gaar ahaan dhinaca Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Mar uu ka hadlayay sida lagu aasaasay Jaamacadda ayuu yiri. “Annagoo koox dhakhaatiira ah ayaan isku nimid markii uu burburka dalka ka dhacay; inagoo kasoo saarnay dhakhaatiir ka Hawlgala Somalia oo Ummadda taageera. Marka Waxaa Ruux walba oo Soomaali ah ka Codsanayaa inuu dadaalo oo ka qayb-qaato sidii loo Taageeri lahaa Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda caafimaadka ka baranaya; kuwaasoo ah kuwo Mustaqbal Wanaagsan leh oo Waddanka Samata-bixin kara. Waxaanan ugu baaqayaa dhakhaatiirta joogta dibadaha inay Dalka dib ugu soo laabtaan uguna faa’iideeyaan cilmigooda ardayda iyo bukaannada dalkii Hooyo ku sugan.

Ugu dambeyn, Waxaa Munaasabadda ka hadlay xubno fara badan, kuwaasoo ku Amaanay Dhakhtarta iyo Howl-wadeennada Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, Howlaha Guud ee ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Siyad@hiiraan.com
Minneapolis Minnesota